Miisaaniyadda 2019-ka iyo sida ay u qoondeysay xukuumadda (Yaa helaya lacagta ugu badan?)

Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay Miisaaniyadda Dowladdu ku shaqeyn doonto sannad maaliyadeedka ka bilaabmaya 1-da Janaayo 2019-ka oo berri ka bilaabanaya, kuna dhammaan doona 31 December, 2019-ka. Waxaa Xeerka Dhaqan-Gelinta Miisaaniyadda la hor geynayaa maanta Golaha Aqalka Sare, oo isu diyaarinaya inuu ka doodo, kadibna meel mariyo isla maanta ama berri.

Haddaba, warbaahinta Kalfadhi ayaa kuu soo koobeysa illaha laga filayo dakhliga miisaaniyadda,  qoondada xafiisyada dowladda iyo deeqaha.

Miisaaniyadda 2019-Ka

Wadarta guud ee miisaaniyadda sannadka 2019-ka waa $340,060,149. Waxay dhowr milyan dheer tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo gaaraysay 274.6 Milyan oo doolar.

Waxay miisaaniyadan ku dhisan tahay laba dakhli oo kala ah midka gudaha ee ah canshuuraha kala duwan ee ay dowladdu qaaddo iyo dakhliga ka yimaada deeqaha la siiyo dowladda.

Dakhliga gudaha ayaa la filayaa inuu noqdo 55.8%, guud ahaan wadarta miisaaniyadda, halka deeqaha la filaayo ay miisaaniyadda ka noqon doonaan 44.2%.

Dakhliga gudaha waxa uu ka imaanayaa canshuuraha kala duwan ee ay dowladda soo ururiso sida canshuurta dakhliga iyo faa’iidooyinka, canshuurta faa’iidada ganacsiga iyo canshuurta adeegga iyo agabka.

Deeqaha dibadda waxay noqonayaan kaalmada hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bankiga Aduunka, Midowga Yurub iyo deeqaha dalalka saaxiibadda la ah Soomaaliya sida Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar.

Qoondada Miisaaniyadeed ee Xafiisyada Dowladda

Hay’adaha adeegga maamulka oo ka kooban xafiisyo dowladeed oo dhowr ah sida maxkamado, wasaarado, safaarado iyo guddiyo kala duwan ayaa looga qoondeeyay miisaaniyadda sanadka soo socda lacag dhan $135,204,188, waxaana kamid ah hay’adaha adeegga maamulka:

1- Xafiiska Madaxtooyada: $5,838,587.

2- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: $5,777,630

3- Xafiiska Golaha Shacabka: $5,338,481.

4- Xubnaha Golaha Shacabka: $14,449,312

5- Xafiiska Aqalka Sare: $4,103,520

5- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka: $3,000,000

6- Maxkamadda Gobalka Banaadir: $1,499,432

Hay’adaha adeegga difaaca iyo amniga, oo ka kooban wasaarado, maxkamado iyo hay’ado amni, waxaa loo gaar-yeelay qoondo dhan $110,767,024, waxaana hay’adahaas kamid ah:

1- Wasaaradda Gaashaandhiga: $ 2,632,780

2- Wasaaradda Amniga Qaranka: $2,007,452

3- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka: $12,505,680

4- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: $62,193,336

5- Maxkamadda Ciidamada: $1,456,000

Hay’adaha adeegga dhaqaalaha oo ka kooban wasaarado iyo hay’addo horumarineed waxay miisaaniyadda ku leeyihiin dakhli dhan $24,203,206, Waxaana hay’adahaas kamid ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Dekadda Xamar iyo Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed.

Adeegga Bulshadda waxaa miisaaniyadda looga qorsheeyay lacag dhan $23,119,231. Waxaa lacagtan loo gaar-yeelay Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Isboortiga iyo Dhallinyarada iyo Wasaaradda Haweeenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha.

Waxaa kale oo qeyb ka ah qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka mashaariic ku kacaysa qiimo lacageed oo dhan $46,766,501.

Yaa Mudnaanta Kharash Bixinta La Siinayaa?

Sida ku cad nuqulka miisaaniyadda 2019-ka, oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, haddii la fulin waayo kharaashaadkii lagu talagalay ee miisaaniyadda, waxaa mudnaanta bixinta kharashaadka la siin doonnaa sida raashiinka iyo gunnooyinka Ciidamada Qalabka Sida, Khidmadda Bankiga iyo Gobalka, mushaaraadka iyo gunnooyinka Shaqaalaha Rayidka, gunnada Xildhibaanada iyo Wasiirada.

Xigasho: Kalfadhi