War kasoo kordhay askartii Itoobiya ee lagu qabtay dagaal beeleedka (Aqriso)

Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta la gaarsiiyay labo Askari oo shalay lagu wareejiyay waxgaradka ka socday dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya,kuwaasoo ay ku wareejiyeen Waxgarad ka socday degmada Galinsoor.

Labadda Askari ayaa waxaa galinkii dambe laga qaaday degaanka Kaxandhaale, waxaana maanta la gaarsiiyay Magaalada Jigjiga, waxaana la sheegay in halkaasi lagu maxkamadeyn doono.

Qaar ka mid ah waxgaradka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Itoobiyaanka ah la weydiin doona sababta keentay in lagu qabto dagaal beeleedkii degaanka Kaxandhaale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hoggaaminaayay oo gaaray degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa loo diiday shalay in lagu wareejiyo Ciidan Itoobiyaan oo ay soo qabteen Maleeshiyo Beeleed.

Mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliya ay u dirtay degaanka Galinsoor ayaa Ku guuldareystay in ay wali xal ka gaaraan labadda dhinac, waxaana muuqata in waxgaradka labadda Beelood ay waddaan dadaallo lagu heshiisiinaayo Maleeshiyaadka dagaallamay.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
caasimada@live.com