Miisaaniyadda NISA oo lagu wareejiyey Bashiir Goobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) lagu wareejiyay maamulka Miisaaniyadda ee Hay’adda ay ku laheyd Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu u hoggaansamay amarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee ah in Bahsiir Goobe uu yahay agaasimaha saxda ah ee hay’’adda, sidaas darteedna ay isaga u gacan geliyaan maamulka miisaaniyadda NISA.

Miisaaniyadda loo gacan geliyey Bashiir Goobe ayaa u ku dhiira gelisay go’aankii uu shalay qaatay ee uu ku magacaabay Taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

“Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15.09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ayuu Bashiir Goobe ku yiri warqad uu soo saaray.

Arrintan ayaa dhinac u ridi karta loolanka ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo oo isna agaasimaha NISA u magacaabay Yaasiin Farey, oo ahaa taliyihii hore ee NISA ee gobolka Banaadir.

Waxay sidoo kale keeni kartaa in laga baaqsado iska hor-imaad ku saleysan cidda maamuleysa hay’adda iyo xarunta NISA.

Xarunta Habar Khadiijo ayaa waxaa hadda haysta ciidamada Waran ee taaageersan Rooble, hase yeeshee ciidamada Duufaan oo taageersan Farmaajo ayaa jooga aagga xarunta, taasi oo diiday in Bashiir Goobe uu xarunta tago. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiday in ciidankaas awood loo adeegsado, si aanu dhiig u daadan, hase yeeshee hadda oo dhaqaalihii NISA uu gacanta ku hayo, waxay keeni kartaa in ciidankaas iyo hoggaankooda ay tartiib u kala siibtaan.