Yaa la wareegay dhulkii lagu dagaalamay ee Banaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ka warbixiyey iska hor imaad saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir, qeybta xigta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa shaaciyey inuu dagaalka u dhexeeyey laba maleeshiyo beleed, isla-markaana ay ku baxeen ciidamada Booliska, kadibna rasaas lagu soo furay, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ugu dambeyn dhulka lagu muransan yahay ee sababay dagaalka ay la wareegeen ciidamada ammaanka, si loo dajiyo xaaladda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in gurigan ay arrintiisa ku jirto maxkamadda gobolka Banaadir, dhowaana lasoo gabagabeyn doonaa muranka ka dhashay lahaanshihiisa.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijyey dhaawaca taliyaha Haramcad, Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, sidoo kalena ay jiraan khasaare kale oo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa dhismaha lagu dagaalamay.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo saaka shacabka Muqdisho ay ku soo waabariisteen dagaal ka socda qeybo ka mid ah caasimada, gaar ahaan degmada Hodan.

Si kastaba dagaalkan ayaa kusoo aadayaa, xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad dhexeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha