Dagaal culus oo maanta ka dhacay Gedo iyo Jubaland oo laga dhaawacay mas’uul

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta Jubbaland & ilaalada gudoomiye ku xigeenka amniga Ceelwaaq uu ka dhacay degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada isku qabteen kaarar raashin ah oo ay qey hay’adda cunnada aduunka ee WFP, isla-markaana loogu tala-galay dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwooda danta-yar ee ku dhaqan gudaha magaalada Ceelwaaq.

Inta la xaqiijiyey waxaa isku hor imaadka labada dhinac ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmadaasi Shukri Tuure, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Shukri oo ciidamadiisa iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay wada dagaalameen ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana la geeyey goob caafimaad.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus haatan laga dareemayaa gudaha degmada Ceelwaaw oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo kan gobolka oo ku aadan dagaalkaasi geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh.

Inta badan dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamo ayaa khasaare xoog leh waxaa kasoo gaaraa iska hor imaadyada ciidanka dhexdooda ah ee ka dhaca gudaha dalka.