Hooyada WASIIR XANIIFA oo ka hadashay weerarkii ay ku soo qaadeen ciidamada iyo walaalkeed oo beeniyey

Baydhabo (Caasimada Online) – Maymuun Aadan oo ah hooyada dashay Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifa Xaabsade), Wasiirka wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii shalay ay gurigeeda ku qaadeen ciidan ka amar qaata madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Maamo Maymuun ayaa sheegtay in si argagax leh ay usoo weerareen ciidamadaas, ayaga oo si xoog ah uga soo gudbay afaafka hore ee guriga, islamarkaana aysan garaneyn waxa loo beegsaday.

Waxay sheegtay in dhibaato aan loo geysan dadkii ku sugnaa guriga, balse la cabsi galiyey, halkaasi oo ay ku sugnaayeen caruur yar-yar, sida ay sheegtay.

“Aniga gabadh Koonfur Galbeed u dhalatay ayaa ahey, siyaasad kuma jiro wax dembi ahna ma gelin, waxaa la yaabanahay sababta uu iisoo weeraray,” ayey tiri Maamo Maymuun Aadan.

‘Hadda gurigeyga ayaa jooga, wax ii yimid ma jiraan, mana ogi sababta loo daba-gediyay ee loo kiciyay fowdada intaas le’eg, waxaa wada xiriirnay dad akhyaar ah oo arrintaas daba socda.”

Sidoo kale waxay carabka ku adkeysay inaysan ayada qeyb ka aheyd siyaasadda, islamarkaana aysan jirin dambi kalifaya in la weeraro, waxaana xusid mudan in gabadheeda ay si weyn isku hayaan Lafta-gareen.

Wasiir Xaniifa oo shalay arrintaas ka hadashay ayaa sheegtay in weerarkaas uu la xariiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed oo soo kala dhex-galay iyada iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

“Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest in ay kasocdaan tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay,” ayey wasiirka haweenka Soomaaliya ku tiri qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale Wasiir Xaniifa qoraalkaan waxay ku sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadan doono mas’uuliyadda dhibkii ka dhasha caburinta shacabka, sidoo kale awooda uu shacabka ku caburinayo ayey u soo jeedisay in Koonfur Galbeed uu uga xoreeyo Al-Shabaab.

Dhanka kale, Waxaa warkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay walaalkeed oo dhawaan Senator loo doortay Cabdiweli Xaabsade, isagoona raali-gelin ka bixiyey hadalka Xaniifa Xaabsade oo uu sheegay in uu dhan ka rarnaa.

Cabdiweli iyo Xaniifa waa isku aabe, ee ma ahan isku hooyo.

“Waxan umadda somaliyeed ee samaha jecel islamarkasna isoo wacayey u xaqiijinaa anigo ku hadalayo magaca Reer Mohamed Ibrahim Xabsade in aysan jirin wax weerar malmulka Konfur Galbeed uu ku qaadey qoyska reer Xabsade,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waxaan ka cudur daàranaya raali galina ka bixinayaa hadalkii xanafta lahaa ee ka soo yeerey Wasiiradda Haweenka Soomaaliya Haniifa Xaabsade kaas oo u muuqday mid aan laga fiirsan oo aan hanbarsaneen masuuliyad.”

Hoos ka dhageyso Hooyo Maymuun