Xog: DF oo diyaarad gaar ah Muqdisho ku keentay ciidan

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug diyaarado gaar ah kaga soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska ee GORGOR.

Ciidamada oo laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oo markii hore laga qaaday ayaa waxaa lagu qiyaasaya tiradooda inta u dhaxeysa boqol illaa saddex boqol oo askari.

Dib u soo celinta askartaan ayaa waxa Caasimada Online u xaqiijiyey Saraakiil ka tirsan ciidamada, waxayna ku sheegen soo celintaas inay tahay arrimo farsamo.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyaan sababta ka dambeysa in xiligaan dib loogu soo celiyo ciidamo intaas le’eg magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Askartaan ayaa qeyb ka ahaa dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee deegaanada maamulka Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug looga soo saarayey kooxda Al-Shabaab, oo ayagu ku sugnaa deegaano ka tirsan maamulkaas.

Sida lagu soo waramayo goobihii ay soo faarujiyeen ciidamada laga soo dejiyay Muqdisho ayaa waxaa gacan ku hayntooda la wareegay cutubyo boolis ah, oo la qorsheynayo inay xoojiyaan amniga goobahaas.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu maamulka Galmudug isku diyaarinayo qabashada doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee ku metalaya baarlamaanka 11-aad, ayna magaalada Muqdisho ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed.