Rooble oo dalab u gudbiyey Mahdi iyo Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dadajinta kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

War ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan looga arrinsaday sidii dhaqse loogu bilaabi lahaa doorashada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi.

Rooble ayaa sidoo kale ka dalbaday Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay si deg-deg ah usoo gudbiyaan xubnaha musharixiinta ah ee ku tartamaya kuraastaasi.

“Waxaa looga Arrinsanayay kulanka u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee  Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa kulankan goob joog ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed oo door ku lahaa heshiiska Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa waxaa muddo ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Aqalka Sare ayaa haatan mareysa gabagabo, waxaana ku xigta mida golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.