Mike Pompeo oo ay kusoo baxday fadeexad la xiriirta Sacuudiga iyo Imaaraadka

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa waxaa kusoo baxay fadeexad la xiriirta hub laga iibiyey dalalka Sacuudiga iyo Mareykanka, xilli uu diiday congress-ka Mareykanka, balse loo sameeyey qiil aan jirin.

Baaris uu wado dambi baaraha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Marykanka oo ku saabsan haddii maamulka Trump uu si sharci darro ah ugu dhawaaqay xaalad “deg deg ah” si u hareer maro mamnuucistii Congress-ka ee in ah hub laga iibiyo Sacuudga iyo Imaaraadka ayaa waxa ay hadda iska cabin kala kulmeeysaa Aqalka Cad.

Isaga oo isku dayaya in baarista uu carqaladeeyo, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mike Pompeo axa uu diiday codsi wareysi ah oo uga yimid baareyaasha, waxaana taas beddelkeeda uu dalbaday in uu ka jawaabo su’aalo qoraal ah oo uga yimaada baareyaasha la shaqaynaya dambi baaraha guud Steve A Linick.

Linick waxaa eryay Madaxweyne Trump todobaadkii lasoo dhaafay. Waxaa lagu eedeeyay in uu baarayo go’aankii Madaxweynaha ee ku dhawaaqista xaalad deg deg ah oo la xiriirta amniga qaranka, si uu cudurdaar ugu sameeyo in hub dhan $8.1 billion uu u dhoofiyo Sacuudiga.

Jariidadda New York Times ayaa warisay in xilliga la eryay Linick iyo diidmada Pompeo ee wareysiga ay muujinayaan in xoghayaha arrimaha dibadda ka warqabay baaritaanka, islamarkaana uu ogaa su’aalaha ku jira ee ku saabsan hubkii laga iibiyay dalalka Khaliijka.

Aqalka cad waxaa lagu eedeeyay in uu wax qarinayo. “Waxaa jiri kara in sabab kale loo eryay Linick. Xafiiskiisu waxa uu codsigeyga ku baarayay ku dhawaaqistii xaaladda deg-degga ah ee Trump, si uu hub ugu diro  Sacuudiga,” ayuu yiri Eliot Engel oo ah dimoqraadi ka tirsan Congress-ka.

“Sawir buuxa ilaa hadda kama hayno, waa wax xun in xoghaye Pompeo uu doonayay in Linick la eryo ka hor inta uusan shaqadiisa dhameysan.”

Kilaafka u dhaxeeya Congress-ka iyo Aqalka Cad waxaa uu soo billowday sanadkii lasoo dhaafay. Sharci dejiyeyaashu waxa ay ka careysan yihiin dhimashada badan ee shacabka ee ka dhalatay dagaalka cirka ah ee Sacuudigu uu ka wado Yemen iyo sidoo kale xad gudubyadda xuquuqda aadanaha ee oo ay ka mid tahay dilkii Jamal Khashoggi.

Congress-ku waxay ku guul dareysteen in ay hor istaagaan qalabkii militari ee sanadkii lasoo dhaafay laga iibiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ah labada dal ee dagaalka iyo xasuuqa ka wada Yemen.

Trump waxaa uu diiday in uu u hogaansamo wicitaankooda waxaana uu iska indho tiray walaacooda.

“Iibinta hubku waxaa ay taageeri doontaa xulafadeena, waxayna horumarin doontaa xasiloonida Bariga Dhexe. Wuxuuna dalalkas ka caawinayaa in ay iska difacaan Jamhuuriyadda Iran,” ayuu yiri Pompeo.

Talaabada hubka looga iibiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay cambareeyay labada xisbi, xildhibaanadu waxay si cad u diideen sida qorshaha loo sameeyay; waxay talaabadaasi wadada u xaartay in madaxweyneyaasha mustaqbalku ay awoodooda ku xadgudban iyagoo baal maraya walaaca Congress-ka.

Pompeo ayaa hadda wajahaya baaritaan ka imanaya congress-ka oo la xiriira arrintan.