AXMED KARAASH oo ka horyimid magacaabistii uu sameeyey madaxweyne Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka soo horjeestay wasiiro iyo wasiir ku xigeenadii uu xalay magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Warqad uu soo saaray Karaash ayaa wuxuu ku sheegay inay sharci darro tahay magacaabistaasi, islamarkaana ay ka soo horjeedo dastuurka Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan lagala tashan xubnaha wasiirada cusub ee la magacaabay.

Ugu dambeyn Axmed Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan ay Puntland ku jirto xaalado adag oo dhanka ammanka iyo caafimaadka ah, islamarkaana loo baahan yahay in wax ka qabashada arrimahaasi loo istaago.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo mudooyinkii la soo dhaafay uu cirka isku sii shareerayey khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Halkan hoose ka aqriso:-