Madaxweyne MUUSE BIIXI hal mid ha loogu duceeyo

Bishan May 18-keedii 2020, waxa isku beegmay khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi jeediyey ee uu ku tilmaamamay in dawaldda Somalia tahay cadowga Somaliland, iyo baaqii “kacdoon shacab” ee isla maalintaas dhalinyaradu ka soo saartay Hargeysa, kaasoo ay kaga dayriyeen xaaladaha bulsho, siyaaso iyo dhaqaale ee shacabku ku sugan yahay.

Waxa isla bisha May 21keedii 2020 ka dabo yimi warbixintii James Swan, xoghayaha gaarka ee Qaramada Midoobay (QM) ee Somalia, uu siiyey Golaha Ammanka ee QM, taasoo uu tibaaxay in wadahadallada Somalia iyo Somaliland ay meel wacan marayaan.

Talow haddii m/weyne Biixi wadahadal iyo mufaawado kula jiray Dawladda Federalka Somalia (DFS), maxaa ku kalifay inuu adeegasado erayadan xanafta badan?

Tan iyo intii Md Biixi xukunka qabtay ma tiro yara inta jeer ee aflagaaddo iyo cambaarayn uu ku rusheeyey DFS iyo madaxweyne Farmaajo. Hase yeeshee markan waxa uu Md Biixi adeegsaday erayo huwan nacayb iyo colaad-abuur. Mana ahayn erayo munaasib ah, weliba marka laga dhaad qabo in hore loogu heshiiyey in laga dhawrsado weedho xanaf leh oo la isu mariyo warbaahinta.

Haddaba su’aashu waa: maxaa Md Biixi ku kalifay erayadan naca huwan? Jawaabtu waa tab lagu yaqaan madaxda qaarkood inay sawiraan humaag cadow, marka ay arkaan baraarug shacab, si ay dadweynaha u Jiho habaabiyaan.

Qasadka hadalka Biixi-na wuxu daarnaa in la hadheeyo warka baaqii dhalinyaradu ku beegtay 18ka May 2020. Sida keliya ee dhegeha dadka looga leexin karayey waxay ahayd in Xamar cadow loogu sheego, lagana maqlo afka madaxweynaha.

Khudbaddii Md Biixi waxa kale oo ay su’aal gelisay niyad-samida maamulka Hargeysa ee ku aaddan wadahallada; ugu wacnaan waxay u egtahay in aysan ku qancin in mufaawado lala galo Xamar, ama waa in aanay daacadba ka ahayn. Kuma ay qanacin oo waxay is-tuseen in wadahadalladu shaki gelinayaan gooni-isu-taaggii muddada dheer lagu taamayey. Waxa uu maamulku ka dhaad qabaa in wadahalladii madaxweyne Siilaanyo bilaabay 2012 meel looga noqdaa jirin; ku darso iyana baqaha laga qabo dhirbaaxada diblomaasiyadeed ee beesha caalamka.

Waxa kale oo Md Biixi yaqiinsaday in beesha caalamaku wado masaalaxo iyo dib-u-heshiisiin (reconciliation); ee aanay wadin kala-saarid (arbitration) iyo garnaqsi midna. Ka garo Md Biixi in khudbadiisii 18ka May 2020 uu ku xusay in kiiska Somaliland uu geyn doono Maxkamadda Caalamiga ah (ICJ), haddii wadahadalku ictiraaf keeni waayo. Cajiib. Dal la aqoonsan yahay uun baa maxakamadd ICJ tegi kara, sow maaha?

Kolkaa arrin wuxu ku soo aruuray in la majaro habaabiyo shacabka, la maaweeliyo beesha caalamka (qawda maqashii); Xamarna lala dhuuqo kaalmada caalamiga ah iyo quud-daraynta laga qabo saamiga laga heli doono cafinta deynta ($395 milyan) ee Bangiga Adduunku ansixiyey bishii Marso 2020.

Falaqayntan kore waxa laga soo dheegan karaa, in Md Biixi ku jiro xaraj siyaasadeed oo loogu garaabi karo. Laakiin loogu garaabi maayo inuu nacayb ka dhex abuuro labada shacab (Waqooyi iyo koofur). Xasuuso in Ilaah (subxanallah wa tacaala) ku sheegay Quraanka in kelmadda wanaagsani la mid yahay sidii geed wanaagsan, xidid adag leh, laamihiisuna cirka sare gaadhaan (15:24).

Waxa maamulka Biixi caawin Kari lahaa, xarajkana ka debcin lahaa, isagoo hagaajiya siyaasadda gudaha ee Somaliland, ka bilaaba eegista baaqii dhalinyarada, dhawra xasaanadda xoriydda shakhsiga iyo cadaaladda, ilaaliya hantida gaarka ah; isla markaana u fasaxa dadweynaha inay dhegeystaan codadka taageersan wadajirka iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Ha loogu duceeyo madaxweyne Biixi in Ilaah garansiiyo erayga-san. Aamiin.

Wa Bilaahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed, waxaad kala xiriiri kartaa maxamuudaxmed@live.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid