Minnesota: 10 qof oo kale oo Soomaali ah oo lagu soo oogay dacwadda kiis xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha dowladda Mareykanka u qaabilsan gobolka Minnesota, Andy Luger ayaa Isniintii shalay dacwado kusoo oogay illaa 10 qof oo Soomaali ah, kana mid ah jaaliyadda gobolka Minnesota, kuwaas oo la xiriira musuq.

10-ka qof ee lasoo xiray ayaa waxaa loo heystaa inay lunsadeen lacag loogu talagalay mashruuc quudin ah oo laga fuliyay magaalooyin ku yaalla gobolka Minnesota, xilligii uu jiray caabuqa COVID-19.

Xeer ilaalinta ayaa shaaca ka qaaday in 10-ka qof ee Soomaalida ah la horgeyn dooono maxkamada, isla-markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Garyaqaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Amiin Haaruun, isla-markaana degan gobolka Minnesota ayaa VOA uga warramay kiiskaas iyo sida ay wax ud dhaceen.

Amiin Haaruun ayaa shaaca ka qaaday in Soomaalida lasoo eedeeyay dhammaantood loo heysto dambiyo waa weyn oo la xiriira xatooyada xoolo dadweyne.

“Dambiyada lagu soo eedeeyay dhamaantood waxay la xiriiraan musuq, wax isdaba marin, laaluush bixin iyo si aan loogu tala-gelin in loo isticmaalay.” ayuu yiri Amiin Haaruun.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in lacagta la masuq-maasuqay oo loogu talagalay carruurta danta yar ee gobolka Minnesota lagu iibsaday dhul, guryo, gawaari iyo diyaarad.

“Waxaa kamid ah in guryo lagu gatay, waxaa kamid ah in dhul ballaaran lagu gatay waxaa kamid ah in baabuur qaali ah lagu gatay, xittaa qof kamid ah uu diyaar ku gatay” ayuu yiri.

Dhammaan dadkan kuma jiraan kuwa lagu caddeeey dambiga loo haysto, waxayna sugayaan maxkamadeyn, kuwa badan oo ka mid ah ayaa si toos ah ama ayaga marinaya qareenadooda sheegay inaysan wax dambi ah gelin.

Si kastaba, bishii September ee sannadkii hore ayaa dacwad tan la mid ah lagu soo oogay ilaa 50 qof oo asal ahaan Soomaali ah, balse heysta dhalashada Mareykanka. Tirada guud ee dadka la tuhunsanyahay ee lasoo dacweeyay ayaa hadda gaartay illaa 60 qof.