Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha ka guddoomay safiirka Itoobiya + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya, si uu uga shaqeeyo sii xoojinta xiriirka labada dal oo daris.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya Mudane Mukhtar Mohamed Ware oo lagu so dhaweeyay xarunta madaxtooyada qaranka.

Qaabilaadda kadib danjire Mukhtar Mohamed Ware ayaa madaxeynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isla-markaana loogu sameeyay xarunta Villa Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Mukhtar Mohamed Ware xilka safiirnimo ee loo soo magacaabay, isaga oo la wadaagay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyneyso.

Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa maalmo kahor soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) oo ku soo qaabilay xafiiskiisa wasaaradda oo ay ku yeesheen wadahadallo gaar ah.

Wasiir Huruuse ayaa sidoo kale xusay in dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo daris ay ka dhexeeyaan dano badan, sida ammaanka, socdaalka, ganacsiga iyo diblumaasiyadda.

Si kastaba Itoobiya ayaa kamid ah dalalka xiriirka la leh Soomaaliya, waxayna ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya.