Gaashaanle C/llaahi Maxamed oo loo xukumay ciqaab uu marsiiyey sarkaal Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo dhacdooyin kale oo sababay dhimasho, dhaawac iyo xiisad ka abuuray Gedo.

Sarkaalkan oo ah taliye xigeenka hoggaanka Sahanka iyo Wardoonka (Hangashta) ee Xoogga dalka ayaa ayaa ciqaab iyo jir-dil ku dilay maxbuus lagu magacaabi jiray marxuum Aadan Gaarac Habarwaa oo ku eedeysnaa Al-Shabaabnimo, kaas oo dhacay 23-kii bishii Febraayo ee sanadkan 2023-ka, wuxuuna falka ka dhacay degmada Doolow ee gobolkaasi.

Maxkamadda ayaa sheegtay in marxuumka uu u geeriyooday biyo hafin uu u geystay Gaashaanle Cosoble intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda qaraxii lagu dilay taliyihii Ururka 28-aad ee ciidanka Xoogga Maxamed Aweys.

Waxa kale oo kiiskan ka dhashay dagaal ka dhacay garoonka Doolow, kadib markii ay isku dheceen ciidamo beeleed taabacsanaa sarkaalka la xukumay, kuwaas oo diidanaa in loo soo dhoofiyo Muqdisho iyo ciidamada ammaanka ee ku sugnaa gudaha garoonka, waxaana shaqaaqadaas sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Intaasi kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 26-kii isla bishii hore billowday dhageysiga kiiskan xasaasi ah oo ka dhashay dilka marxuum Aadan Gaarac.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay kiis la xiriira Al-Shabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, isaga oo Maxkamadda waydiistay in la saaro bixinta magta taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhankisa qareenka eedeysanaha dhintay ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha diya adag.

Ugu dambayn Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta oo ay tahay y14-ka bisha Maarso ee 2023 ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble  diya adag oo ah qisaasta marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo shan sano oo xabsi Ciidan ahm sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada

Si kastaba, xukunsanaha ayaa haysto fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan, muddo ku siman 30 cisho.