Xog: Sababo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo dib u dhigay shirkii Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac aan la shaacin sababta keentay ayaa ku yimid shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee golaha wadatashiga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la qorsheynayey in shirkaas uu furo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safar uu ku tegay dalka Eritrea.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online waxay u badan tahay in shirkaasi uu baaqdo ama dib u dhaco, maadaama madaxda qaar ay dalka ka maqanyihiin.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu u safro magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo tababar uu ugu soo xirayo ciidan loo tababarayo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku maqan dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ugu yaraan hal maalin uu sii joogi doono, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inay macquul tahay inuu berri u safro magaalada Dhuusamareeb.

Inkastoo Villa Somalia ay shalay Baydhaba u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, hanada ma jiro hal madaxweyne goboleed oo tegay Baydhaba.

Talaadadii maanta ee 14-ka Maarso ayaa la qorsheeyey in shirka madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed uu ka furmo Baydhaba, balse ma dhicin oo waa baaqday lamana shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhacaas.

Sidoo kale waxaa macquul ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarka Uganda dib u dhigto oo shirka Baydhaba dib loo abaabulo, wixii ka dambeeya Arbacada berri.