Miyaad xishooneyn mudane Xasan Sheekhow (Hiigsigii fashilmay ee 2012-2016)

Dunidan aan ku Nool nahay Waxaa ka jira Dhaqan Siyaasadeed oo ah Hal mar ayaad Fursad Siyaasadeed  lee dahay, Hadaad markaa ka Faa’iideysan waydo Hoggaankaa lagugu aaminay, oo ay kugu Cadaato in Xilkaaga ka soo bixi weyday waa inaad ogolaataa in aad Siyaasada Ka fariisato.

Waa inaad noqota nin Aqbalay Fashilkii Siyaasadeed ee uu ka hantiyay Tijaabadii iyo Hoggaankii loo dhiibay, ee uu ku Furay Geediga Ruun aan  Cows iyo Biyo toona laheyn, lagana Dhaxlay Dhib iyo Daal ka dhashay Waqtigii Dheeraa ee la soo socday.

Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, oo ahaa nin Siyaasadda Soomaaliya ku soo galay Waji Cusub oo aysan Bulshadu horey u Arag Xiligiisii, una Hamuum qabto Haggaankiisa, waxaa uu ka tagay Dal Soomaaliyeed oo aan la Dhaqaajin, lana Dibin daab-yeeyay Dadkiisii.

Waxaan Arkayaa Mudane Xassan Sheekh oo Haatan ku Mashquulsan inuu Mar kale dib u soo koro Masraxa Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya, Yag leelayna Xisbi Siyaasadeed, la Sheegay inuu Gun dheer yahay, kuna Mideysan yihiin Xubno Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ah.

Waa Arrin I Cajab gelisay, waana mid aan Horey u Filayay inaan Arki doono Damac Xassan Sheekh Weli uu ka lee yahay Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya, maadama Siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan Aqoon Fashil haduu ku Taabto Fadhi Wanaag ku Bedel, taas oo ah tan Hor-taagan in Soomaaliya horey u Socoto.

Madaxweynihii Hore ee JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Isagu Sidee isku Arkaa? Taariikh-du se Sidee u Aragtaa ?

Waa inaan Wax Iska Waydiino Ma Shacabka Soomaaliyeed ayaa liita oo wax Magarato ah Mise Madaxda Soomaaliyeed ayaa ah dad aan damiir lahay oo aan xishoon. oo aan Khaladka ka ay galaan aan xisaabin.

Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo Socdaalkiisii uu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho,

waxaa soo baxayay inuu noqonayo Hoggaanka Xisbi Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin Mucaaradka, kaas oo ka qeyb-galaya Doorashada 2020-ka, taas oo si Rasmi ah loogu dhawaaqay 30-September-2018-ka.

Xisbigan cusub oo loo bixiyey yahay  Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda, ayaa waxaa ku Midoobay Xisbiga Daljir, Kutlada Horu-socod, PDP iyo Siyaasiyiin, mana aha Aragti ahaanteyda Xisbi lagu abuuray dareen dad kala gadisan iyo qadiyada dalka soomaaliya dhibaatada dheeraatay looga saarayo.

Waxaa Is-weydiin Mudan Xisbiyadda iyo Siyaasiyiin ku Midoobay Xisbigan Cusub, Sidee u tir-tiri karaan Taariikh-da Madow ee u Gashay Masraxa Siyaasadda Soomaaliya Xassan Sheekh, iyadoo Xusid mudan tahay in Siyaasiyiinta Xisbigan qeybta ka ah inay ahaayeen kuwii ugu Caansanaa ee Dhaliili jiray Siyaasadda Fashilmatay ee Mr. Xassan.

Xassan Sheekh Maxamuud,

waxaa taabtay Fashil Siyaasadeed intii u dhaxeysay 2012-2016-kii, ee uu Hoggaanka u hayay Siyaasadda Soomaaliya, waxaa uu Soomaaliya Dhaxal siiyay Ceebo aysan Hortiis laheyn,

waxaana uu Hanjab ku riday Shacabka Soomaaliyeed oo Qaarkood Ilmo ilaa ay haatan ka Qubaneyso.

Maxaad Ka Xasuusataa Hoggaamintii Fashilmatay Ee Madaxweynihii Hore Mudane Xassan Sheekh ?

Anigoon Aragti ahaanteyda aan soo Koobi Karin Xasuusihii Xumaa ee laga Dhaxlay Hoggaamiyihii ku Fashilmay Siyaasadda Xassan Sheekh, ayaa waxaan ku soo koobi Doonaa 5 Qodob, oo ay Muhiim aheyd inuu Mr. Xassan uga baxo Damaca weli uga jira Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

1)Aqoontiisa  Siyaasadeed  oo Saldhig u Noqotay Abuurida  Ururo gaar ah.

2)Dhicida iyo boobka Dhaqaalaha Wadanka iyo Xilalkii dawladda.

3)Magacaabista iyo Is-qabashada Ra’iisulwasaarayaal badan.

4)Fashilinta Siyaasadii Arrimaha Dibedda Soomaaliya, oo Meeshii ugu Hooseysay Gaartay.

5)Sharci u Sameyn-sashada iyo Dhaca Dhulkii Danta Guud ee Muqdisho ku yaallay.

7)Dilka xildhibaano iyo siyaasiin iyo dad qiimo kuleh bulshada

8 Fadeexadii Gobalka hiiraan iyo Galmudug Qasbida shacabka

9)xil u dhiibida wiila u adeer u yahay Taliyaasha Ciidanka Qaranka sida NISA

10)Iska horkeenida madaxda maamul gobaleedyada bur burinta heshiisyada laga lay.

Talo ku Socota Madaxweynihii Hore ee JF Soomaaliya Xassan Sheekh.

Soomaalidu Waxa ay ku Maah-maahdaa “Baso Waa Baso, Si Kastoo Loo Subko”, Sidoo kale Waxa ay ku Maah-maahdaa Soomaalidu “Wax Tagay Tiigsimaad ma Leh”, Mudane Xassanow hadii aad Hoggaan Siyaasadeed oo Wanaagsan lee dahay, horaan kuugu soo Aragnay Hoggaan xumi.

Waxaa ku haleelay Fashil Siyaasadeed oo aan Marnaba Fursad ku siin doonin inaad Hoggaamiso Siyaasadda Soomaaliya, “adna Waxba Carro iyo Ceeb ha ka sii Fagin”, Fadlan Jaanis sii Siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ee Damacuna uga jiro inay Hoggaan-shaan Dalka.

Danjire Maxamed Caalim

Aqoonyahan Soomaaliyeed, oo Muddo 30 Sanno ahna kusoo Dhex jiray Siyaasadda Soomaaliya.

Email: Caalim68@hotmail.com
Telfoon: +358458712195
Helisink, Finland

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid