Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay kulanka BF ee maanta (Sidee ayuu ku helay xildhibaannimada?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha KMG ah ee xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheekh Maxamud, ahna Xubin Xildhibaan Sharafeed ayaa maanta ka qayb galaya Kulanka Golaha Shacabka oo goor dhaw furmay.

Xildhibaano gaaraya 173 Xildhibaan ayaa Kulanka goobjoog ah, waxaana laga hadlayaa arrimaha la xiriira Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Ku dhawaad laba sano oo Xasan Sheekh uu Xildhibaan yahay, waa markii ugu horeysay ee uu xaadiro Fadhiga Golaha Shacabka Somaliya.

Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu aragti ka dhiibto ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka Somaliya, iyadoo maanta si wayn Xildhibaanada u hadal hayaan tagista Xasan Sheekh ee Golaha Shacabka.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maalmahan wuxuu olole Siyaasadeed xooggan ka wadaa Magaalada Muqdisho, isaga oo culeesaad saaraya dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Sidee Xasan Sheekh xildhibaan ku noqday?

Qodobka 64aad. Tirada xubnaha Golaha Shacabka

(1)         Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

(2)         Tirada xil-dhibaannada caadiga ah ee Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa 225.

(3)         Tirada guud ee xubnaha Golaha shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

(4)         Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.