Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho oo ay ka taagan tahay shaqaaqo ka dhalatay sarkaal shaqada laga eryey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Airport-ka Aadan Cadde, Shaqaalaha Somalida ee ka shaqeeya qaybta kala hagista diyaaradaha (Marshaalka) ayaa saaka shaqadii gabi ahaanba joojiyay.

Sababta Shaqada ay u joojiyeen, ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii ay ka caroodeen qaab dulmi ah oo Shaqadii looga eryay Farxaan Black oo ah madaxa qaybta Marshaalka ama kala hagista Diyaaradaha, xilliga ay soo dagaan, waxaana Shaqada ka eryay Saraakiisha Shirkadda Favori ee Garoonka Aadan Cadde maamusha.

Sababta Farxaan Black shaqada looga eryay ayaa lagu sheegay inay tahay isku dhac dhexmaray isaga iyo Saraakiisha Turkida, taasi oo ugu dambeyn sababtay inay dulmiyaan Farxaan oo shaqada ay ka fariisiyaan.

Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde, qaybta kala hagista diyaaradaha markii ay soo galeen Saaka shaqadii, waxa ay go’aansadeen in gabi ahaanba ay joojiyaan shaqada si mideysan.

Mid ka mid ah Saraakiisha Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in arrintaan ay salka ku hayso arrimo dhanka Shaqada la xiriirta oo Saraakiisha Somalida iyo kuwa Favori u dhaxeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com