Dabageed oo sabab yaab leh u xiray taliyihii NISA ee Hiiraan iyo saraakiil kale

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saddex ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda hir-Shabeelle la dhigay Xabsiga Magalada Baladweyne.

Shaqaalahaan la xiray oo mid ka mid ah ay haweeney tahay ayaa la sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed).

Sababaha loo xiray ayaa wararka an helnay waxa ay sheegayaan in ay ka biyo diideen in Bankiga Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle ay uga soo bixiyaan lacag uu ka dalbaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,iyaga oo u sheegay in uu amar kasoo qaato Wasiirka Maaliyada HirShabeelle.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la Magacaabay 23-kii Bishii la soo dhaafay ee September 2018,waxana tani ay noqoneysaa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday markii uu xilka la wareegay.

Sidoo kale Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Hiiraan ayaa xabsi u taxaabay saraakiishii nabadsugidda Gobolkaasi.

Mas’uuliyiinta NISA ee la xiray ayaa kaal ah taliyihii Nabadssugida Gobolka Hiiraan Cabdi Maxamed Cali iyo Ku xigeenkiisa oo magaciisa lagu koobay Dhagaweyne, iyadoo aan la sheegin sababta loo xiray iyo arrimaha loo heysto haddii ay daba socdaan Shaqaalihii Maaliyadda ee la xiray

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay cabsi ka jirto, markii la dareemay in ciidamada saraakiisha la xiray laga dareemay inay wadaan dhaqdhaqaaq ay ku doonayaan inay ku soo daayaan saraakiishaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa tan iyo intii la magacaabay qaaday tallaabooyin uu doonayo inuu awood ku qabto maamulka Gobolka Hiiraan.

Saraakiishaan Maanta la xiray ayaa 1-dii Bishii la soo dhaafay ee Setemper ayaa Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle xilka looga qaaday,iyada oo taliyaha Nabadsugida gobolka Hiiraan loo Magacaabay Colaad cabdullaahi Cismaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com