Muqdisho: Ciidamo goob qura si yaab leh dhac ugu gaystay dad ku dhow 30 qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan magaalada Muqdisho ay marti gelineyso dhac iyo dilal aan kala joogsi laheyn tan iyo markii isbadal lagu sameeyay amniga guud ee Muqdisho oo lagu wareejiyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa aad u soo badanaya dhaca ay geysanayaan ciidamada dharka cas ee Nabad Sugidda loo yaqaano kuwaa oo bistoolado sharciyeesan magaalada ku dhex wata.

Xaafadaha iyo Suuqyada Muqdisho habeen iyo maalin waxaa xoolaha dadka ku dhaca rag ku hubeysan Bastoolada iyo qoryaha fudfud kuwaa oo qaarkood wata mootooyinka loo yaqaano Bajaajta iyo gawaarida Raaxada, halka qaar kamid ah ay wax dhacaan iyagoo lugeynaya.

Maqaayad ku taala gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayad u dhaw suuqa Bacadlaha, waxaa ka dhacday fal burcadnimo kii ugu xumaa, waxaana koox gaareysa afar qof oo hubeysan ay dhaceen dadkii maqaayadda ka cunteynayay xiliga qadada oo Moobayladii iyo agabkoodii kale xoog furtay. Maqaayadda aya awaxaa ku jiray dad ku dhow 30 qof.

Raggan hubeysan ayaa watay qoryo iyo bistoolado, labo kamid ah ayaa la sheegay iney Albaabka maqaayadda istaageen halka labada kale ay aruurinayeen Taleefoonada ay wateen dadka maqaayada rashiinka ka cunayay.

Ma jirin cid daba gashay ama dib u soo celisay xoolaha laga xoogay shacabkaasi Soomaaliyeed, waxaana Bakaaraha uu kamid yahay meelaha ugu khatarta badan ee Muqdisho oo sidoo kale la isku dilo.

Xiliyada Aroortii iyo gabal dhicii aad ayaa dadka loogu dhacaa Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha, kooxaha hubeysan oo  la aqoon waxa ay yihiin ayaa dila dadka diida in alaabtooda laga qaato, halka ay dhaawacaan mararka qaar dadka ay wax ka waayaan.

Xaalka Muqdisho ayaa sidan iska ah baryahan dambe majirto cid wax ka qabaneysa iyo cid wax iska weydiisa gaar ahaan laamaha Amniga oo shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan hantida iyo badqabka muwaadinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com