Xog: CC Shakuur oo dalka kusoo laabanaya xilli aan la xallin khilaafkii isaga & DF

Nairobi (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan siyaasadda ay dowladda Soomaaliy dalka ku maamusho ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo khilaaf ka gacan ka hadal gaaray uu dhex maray isaga iyo Dowladda Soomaliya isla markaasna lagu weeraray gurigiisa oo Muqdisho ku yaal oo bilooyinkii dambe ku maqnaa safaro dalalka Debadda ah iyo Olole siyaasadeed ayaa hadda sal dhigtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Sida ay illo wareedyo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmaha soo socdo lagu wadaa inuu gaaro Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

xogtaan aan helnay ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhawaan Cabdiraxmaan oo wareysi bixiyey  sheegay inuu dalka ku laaban doono isla markasna uu safar kusoo kala bixin doono Gobolada dalka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu Muqdisho tagi doono isagoo ay u diyaarsan yihiin ciidamo uu sheegay inuu isaga ilaalin doono weerar mar kale uga imaado dhanka Dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa la filayaa inay Dhuusamareeb kusoo dhaweeyaan madaxda Galmudug oo ay ugu horeeyaan Xaaf iyo Sh. Shaakir, wuxuuna safarkaan qeyb ka yahay ololaha uu ku jiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee uu ku doonayo inuu mar uun ku noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhawaan iska diiday inuu ku biiro xisbiga ay ku midoobeyn Qabyo, Daljir iyo Horsocod isagoo ku adkeystay inuu sii lahaan doono xisbigiisa Wadajir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com