Sawirro: Ergeyga cusub ee QM oo warbixin niyad jab ku ah lagu soo dhaweeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ururin ay Soomaaliya ka sameeyeen cilmi baareyaal ka tirsan Kooxda Farsight Africa oo ku takhasusay xaaladaha khilaafaadka dalalka Geeska Afrika ayaa shaaca ka qaadday kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka uu u shaqeeyo xafiiska Qaramada Midobey ee Soomaaliya (UNSOM).

Ku dhawaad 1500 oo Soomaali ah, kuna kala nool magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Cadaado, Beladweyne, Baydhabo iyo Kismaayo ayaa la weydiiyey suaalo la xiriira shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan sannadkii ugu danbeeyey Danjirihii hore Michael Keating.

Natiijada xog ururinta la soo bandhigay ayaa muujinaysay in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan UNSOM ay gaartay heerkii ugu hooseeyey tan iyo markii la asaasay xafiiskan Bishii June ee sannadkii 2013kii.

Boqolkiiba 52 qof oo ka mid ah dadka aragtidan laga soo ururiyey ayaa sheegay in aysan ku kalsoonayn hoggaanka iyo shaqada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, taas oo ka dhigan laba jibaar tiradii sannadkii hore ee 2017kii xilligaas oo boqolkii qof oo Soomaali ah 27-ka mid ah oo kaliya aysan la dhacsanayn shaqada UNSOM.

Sababaha ugu waaweyn ee arrinkan loo aanayn karo ayaa la aaminsan yahay in ay tahay cabsida shacabka Soomaaliyeed ay ka qabeen afmaroojinta joogtada ahayd ee Danjire Michael Keating uu ku haystay go’aanka Dowladda Goboleedyada dalka iyo sida uu u hurin jiray khilaafaadka kala dhexeeya Dowladda Federaalka ah.

Soo bandhiggadda Xog ururintan ayaa ku soo beegmatay xilli uu Maanta soo gaaray dalka Ergayga Cusub ee ay Qaramada Midoobey u soo dirtay Soomaaliya Nicholas Haysom.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo magacaabay Soomaaliya ayaa sheegay inay sharaf iyo mudnaan gaar ah u tahay inuu labada sano ee soo socota joogo Soomaaliya.

Nicholas Haysom ayaa u dhashay Dalka South Africa waxana uu ka soo shaqeeyay dalal badan oo caalamka ah.

Ergeygan cusub ee Qaramada Midoobaya ayaa mudada uu wakiilka ugaga yahay xoghayaha guud ee qaramada midoobay ay tahay labo sano,waxana uu ku soo beegmayaa imaanshihiisa iyadoo khilaaf weyn uu ka dhex jiro madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com