War ka cusub website-ka ololaha doorashada 2020 ee lagu tuhmayey Kheyre iyo baaritaanno billowday

Muqisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku heysa website lagu sameystay magaca Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Website-kan ayaa cinwaankiisu yahay: hassankheire2020.com, waxaana laga hadal hayey baraha bulshada, iyadoo warbaahinta qaarkood ay u fasireen olole doorasho iyo khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxaa soo baxday inuu yahay mid ay sameysteen kooxo dagaal siyaasadeed kula jira Kheyre iyo Farmaajo.

Diiwaangelinta iyo sameyntawebiste-kan ee xilligan ayaa loo fahmay mid kusaabsan ololaha doorashada ee 2020 lagu wado in ay kadhacdo Soomaaliya, balse madax kamid ah xukuumadda ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in ololaha doorashada ee xukuumadda iyo xisbigeeduba aanay ahayn wax qarsoodi ah balse aan weli la gaarin xilli olole iyo doorasho midna.

Dadka siyaasadda Soomaaliya iyo dad faallo kabixiyey website-ka cusub ayaa sheegay in ay suuragal tahay in arrikani muujinayo olole la soo hormariyey iyo xurguf siyaasadeed oo jirta, balse cid madax bannaan iyo xukuumadda Soomaaliya midkoodna ma sheegin warkaas.

Hosting-ka webka waxa laga diiwaangeliyey shirkadda adeegga Website-ka ee Amazon Web service oo fadhigeedu yahay Jarmalka, waxaana suuragal ah in haddii aan diiwangelinta webkan ee Raisalwasaare Kheyre aanay xaqiiqo ahayn in dhinacyo kale oo tartan iyo xurguf siyaasadeed kala dhexeyso ay sameysteen webkan iyaga oo adeegsanay magaca Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre .

Wararka ayaa sheegaya in Wasaaradda Boosatada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ay wado baaritaanka lagu bilaabay cidda ka danbeysa sameynta website-kan oo la sheegay in qofka sameystay uu is qariyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com