DF Somalia oo Sacuudiga la gashay heshiis muhiima

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa heshiis lagu hormarinayo gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Duulista Hawada la gashay dowlada Sacuudiga.

Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Somalia u saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, oo haatan booqasho ku jooga Magalada Riyad ee dalka Sacuudiga, halka dhanka Sacuudiga uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka dalkaasi Cabdi Xakiin Bin Maxamed Altamiimi.

Heshiiska labada dal ayaa dhigaya in si wada jir ah looga wada shaqeeyo arrimaha Duulista Hawada, waxa ayna Sacuudiga ballanqaaday inay dhaqan galin doonto Heshiiska.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale lagu xoojinayaa  wax wada qabsi dhinaca duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Dowlada Somalia ayaa Heshiiskani u leh ahmiyad weyn oo ku aadan horumarinta iyo iskaashiga dhanka duulimaadka, waxa uuna sahlayaa in labada Wasaaradood ay is weydaarsadan duulimaadyada.

Sidoo kale, heshiiskaas waxaa dhinaca Somalia goobjoog uga ahaa siihaya Safaarada Soomaaliya ee wadanka Sacuudi Carabiya  Saalim Macow Xaaji,iyada oo dhinaca Sacuudiga ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Gaadiidka boqortooyada.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Somalia ay bilahaani xooga saareyso dhanka duulimaadyada Somalia iyo wadamada hormarsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com