Monica Juma oo shaacisay qorshe aan horey loo ogeyn oo Kheyre u tegay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday qorshaha uu ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre maanta u tagay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Sida uu sheegay xafiiskiisa, ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

“Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Kheyre.

Si kastaba wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in socdaalka Kheyre uu la xiriiro farriin gaar ah oo uu u wado madaxweyne Uhuru Kenyatta.

“Waxaan soo dhoweeyey ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo Kenya u yimid inuu farriin gaar ah u gudbiyo madaxweyne Kenyatta” ayay tiri Monica.

Ilaa hadda lama yaqaan waxa ay tahay fariintan, iyo cidda uu Kheyre ka sido inkasta oo ay u badan tahay madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com