DF oo war ka soo saartay ajnabi lagu dhex-weeraray xabsiga dhexe iyo qorshe loo maleegay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidanka Asluubta ee dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii maxaabiis Daacish ah ay ku aadeen nin British ah oo ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta ahna ku simaha Taliyaha Cabdikariin Cali Afrax, ayaa beeniyay in Ninkaasi la dhaawacay.

Taliye Cabdikarin Cali Afrax, waxaa uu sheegay in kooxda weerarka gaysatay ay qorsheeyeen in ay xabsiga dil ugu dhex geystaan Anthony Thomas, oo dhawaan Ciidanka Ammaanka ay qabteen xilli la sheegay in uu watay waxyaabaha qarxa.

Waxaa kale oo uu sheegay in Xabsiga ay ku booqdeen Ninkaas rag Caddaad ah oo baaritaan ku sameeyay islamarkaana aysan jirin wax yeello loo geystay.

Falkaan ayaa dhacay xilli habeen ah, waxaana uu sheegay in Maxaabiista labada ah in horay  loogu maxkamadeeyay falal argagixiso waxaana lagu xukumay min toban sano oo xabsi ah.

Ninkan oo heysta labada Baasaboor ayaa u dhashay UK, waxaana la xiray todobaadkii hore kaddib markii laga shakiyay Boorso uu ku waday gaaska loo adeegsan karo qaraxyada oo uu doonayay in uu la raaco diyaadda Ethiopian Airlines.

Hoos ka dhageyso codka Cabdikariin

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com