Daawo: Deni oo shaaciyey war culus oo ku saabsan khilaafka DF & maamullada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe warbaahinta ugu sheegay in ay marti gelin doonaan shir lagu doonayo in la iskugu soo dhaweeyo dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kullanka ay wada qaateen madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ay isla garteen in ay kullan kale ay wada yeeshaan.

Waxa uu tibaaxay in shirkaasi uu yahay mid Puntland ay madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ay ka codsadeen in ay marti geliyaan, waxa uuna xusay in ay kaga mahadceliyeen in madaxdaasi meel qura Puntland isugu keentay.

Shirkaani ayuu sheegay in loo madalsanyahay bisha Seddexaad ee ina soo aadan, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in Puntland ay sharaf u tahay in khilaafkii soo jiitamayay ee dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada xal looga gaaro Garoowe.

Hoos ka daawo Saciid Deni

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com