Mooshin durba laga diyaariyay madaxweyne Waare iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo diyaarinta Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Waare.

Mooshinka ayaa waxaa wada Xildhibaano ka tirsan maamulka oo qaarkood la sheegay inay saxiixeen Mooshinka oo iminkaba socda diyaarintiisa.

Mooshinka xoogiisa ayaa waxaa looga soo horjeeda Hogaamiye Waare iyo Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeelle, kuwaasi oo todobaadkan uu magaacaabay Hogaamiyaha Hirshabeelle.

Xildhibaano tiro ahaan gaaraya 70 oo ku shiray Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan Hogaamiye Waare iyo tirada Wasiirada aadka u badan ee uu magacaabay Hogaamiyaha.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in Mooshinkan ay maanta oo Jimco ah u gudbin doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, waxayna tilmaameen Hirshabeelle in aysan xamili karin habsami u shaqeynta Waare iyo Wasiiro tiradooda aad u badan.

Sidoo kale, Maxamed C/raxmaan Khayre oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inaanu suuragal aheyn wadada loo maray magacaabista Wasiirada, wuxuuna Waare ku eedeeyay inuu ka baxay balamo uu xildhibaanada la galay.

Docda kale, Xildhibaanada ayaa tilmaamay inay isla tuurayaan Hogaamiye Waare iyo Golihiisa Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com