Akhriso: 4 Qodob oo xasaasi ah oo ay ku heshiiyeen Ahlu Sunna iyo Galmudug

Jabuuti (Caasimadda Onlne) – Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso wadahadalka Magaalada Jabuuti uga socdo Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Maamulka Ahlu Sunna Wal-Jameeca oo uu madaxweynaha u yahay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegayo inay jiraan isku soo dhawaansho.

Wadahdalda oo meel xasaasi ah marayo ayaa waxaa soo baxayo qodobo ilaa hadda la isku afgartay oo ay kamid yihiin sidii loo qeybsan lahaa awoodaha dowladda, Baarlamaanka,  iyo Golaha Wasiirada.

Labada Maamul ayuu ku heshiiyey Afartaan Qodob:

1- In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug
2- In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug
3- In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug
4- In Ahlu Sunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug

Sida aan ku helnay warar hoose waxay Ahlu Sunna iyo Galmudug ku heshiiyeen in Ahlu Sunna Baarlamaanka loogu daro ilaa 40 Xildhibaan.

40 xildhibaan ee Ahlu Sunna loogu daray ayaa la sheegay inay Ahlu Sunna awoodda loo siiyey inay iyada soo xusho iyadoo loo fiirinayo hab Beeledka iyo sida ay Beelaha ugu kala badan yihiin Deegaanada ay Ahlu Sunna gacanta ku heyso.

Warar aan la hubin ayaa sheegayo inay Ahlu Sunna beelaha ugu qeybisay sida hoos ku qoran:

Habargidir iyo Duduble 15 Xildhibaan

Mareexaan 10 Xildhibaan

Mursade 7 Xildhibaan

Dir 7 Xildhiban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com