Xildhibaanada oo garan waayey waxa ay garteen gabdhahan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socdo Mooshin ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna mooshinkaas ka gudbinayaan madaxda ugu sareyso dalka.

Haddaba waxaan warbixintaan kusoo qaadan doonaan waxyaabaha keenay mooshinkaas iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo garan waayey waxa ay garteen Gabdhaha Nadiifiyo Xafiisyada dowladda ee lacagta yar qaata.

Maxaa keenay Mooshinkaan?:

Dhawaan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa Canshuur kusoo rogtay Mushaarka ay qaataan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii ay dowladda dhexe ay qaadatay nidaamka isla xisaabtanka iyo maamul wanaaga.

Tallaabadaas lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda kadib, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay ololo ay mooshin kaga diyaarinayaan madaxda ugu sareyso dalka kadib markii ay ka xanaaqeen Canshuurta ay Wasaaradda Maaliyadda soo rogtay.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay inaysan macquul aheyn in Mushaarkooda laga jaro lacagta Canshuurta dalka, waxayna bilaabeen inay mooshino diyaariyaan si ay Canshuurtaan uga badbaadaan.

Xildhibaanada oo garan waayey waxa ay garteen Gabdhaha  nadiifiyo Xafiisyada dowladda!!:

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garan waayey waxa ay garteen Gabdhaha Nadiifiyo Xafiisyada dowladda Soomaaliya kuwaas oo qaata lacag aad u yar marka loo fiiriyo lacagaha aadka u badan oo ay qaataan Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya.

Ifraax oo kamid ah Shaqaalaha Nadiifiyo Xafiisyada dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wax lala yaabo tahay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya diidaan Canshuurta dalka wax loogu qabanayo.

Ifraax waxay sheegtay inay iyadana diyaar u tahay in mushaarkeeda laga jaro lacagta Canshuurta si dalka wax loogu qabto sida ay hadalka u dhigtay, waxayna sheegtay inay niyad jab weyn ka qaaday tallaabada ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku diideen inay Mushaarkooda ka jaraan lacagaha Canshuurta.

” Waxaa niyad jab weyn ka qaaday go’aanka ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku diideen in Canshuur laga jaro Mushaarkooda, aniga waxaan qaataa lacag aad u yar sidaas oo ay tahay waxaan diyaar u ahay inaan mushaarkeeda ka jaro lacagta Canshuurta dalka” ayey tiri Ifraax.

” Marnaba ma fileyn inay XIldhibaanada dowladda diidaan Canshuurtii iyagoo Kitaabka Alle ugu dhaartay inay ka shaqeyn doonaan danta Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, Canshuurta waa waxyaabaha ugu horeeyo ee dalka lagu hormariyo, haddii ay Xildhibaanada diidaan waxaa muuqato inay jabiyeen dhaartii aheyd inay dalka wax u qaban doonaan” ayey sii raacisay.

Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo isna ka hadlay Arrintaan  isla markaasna codsaday inaan magaciisa lagu xusin warbixintaan ayaa sheegay inay Xildhibaanada diidan Canshuurta ay muuqaal qaldan ka bixinayaan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay inuu u taagan yahay hoggaaminta iyo toosinta Shacabka Soomaaliyeed.

Go’aanka XIldhibaanadaan muxuu kaga dhigan yahay Shacabka Soomaaliyeed?:

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxay matalaan Shacabka Soomaaliyeed, tallaabo kasta oo ay qaadayaana waxaa muhiim ah inay noqoto mid ku dayasho mudan isla markaasna dalka u horseedayo horumar iyo cadaalad.

Prof. Yaxye waa mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho ku yaalo, wuxuuna qabaa in talaabadaan ay Xildhibaanada ku diidan yihiin Canshuurta ay dalka u horseedi doonto foodo iyo inay Shacabka Soomaaliyeed ka hor imaadaan Canshuurta.

” Baarlamaanka Soomaaliya waa meesha ay Shacabka Soomaaliyeed kaga dayanayaan wax kasta, waxaa muhiim ah inay ogolaadaan Canshuurta dalka, qaarkood waxaa wax lagu soo baray Canshuurtii dowladda qaadi jirtay, waxaa ayaan darro ah inay Maanta diidaan Canshuurtii ilmahooda iyo jiilka cusub wax lagu bari lahaa isla markaasna dalka lagu horumarin lahaa” ayuu yiri Prof. Yaxye.

” Haddii ay Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka diidaan in Canshuur laga jaro mushaarkooda, waxay keeni doontaa inay ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka hor imaadaan Canshuurta dowladda, maadama Baarlamaankii dalka ugu awoodda badnaa uu diiday” ayuu sii raaciyey Prof. Yaxe.

Ugu dambeyntii mooshinada ay diyaarinayaan Xildhibaanada diidan Canshuurta, ayaa waxaa garab socdo ololo ay wadaan Xildhibaano kale oo ogol in la bixiyo mushaarka isla markaasna kasoo horjeedo in dowladda mooshin looga gubdiyo dood ku saabsan Canshuurta lagu soo rogay Xildhibaanada dowladda.

W/Q: Cabdullaahi Yuusuf Saalax

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid