Mooshin ka dhan ah qorshe ay isla wadaan Farmaajo iyo Britain oo loo gudbiyay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah qorshaha isku dhafka Ciiddanka Qaranka iyo kuwa Maamul Gobaleedyadda.

Mooshinka ayaa la sheegay inay gudbiyeen Xildhibaanada ka tirsan Guddiga Difaaca BFS, kadib markii ay aad u dhaliileen qorshaha diyaarintiisa uu socdo.

Mooshinka ayaa waxaa loo gudbiyay Guddoomiyaha BFS, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana Mooshinka saxiixay Xildhibaano aad u farabadan.

Xildhibaanada Guddiga Difaaca BFS, ayaa ka digay Khatarta ka dhalan karta isku dhafka CXDS iyo kuwa Maamul gobaleedyadda.

Mooshinka ayaa waxaa looga gaashamanayaa in Shirka London lagu ansixiyo qorshaha isku dhafka ciidamada, kaasi oo la qaban doono bisha soo socota ee May 11-da.

Mooshinka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in qorshahaani isku dhafka uu yahay mid si cad loogu bahdilaayo CXD iyo Awooddii Dowladda Dhexe.

Sidoo kale, Xildhibaanadda waxay kaloo xuseen in Qorshaha isku dhafka Ciiddamadda looga dan leeyahay inay awood sare yeeshaan Ciiddanka Deegaanadda ee hoos taga Maamul gobaleedyadda.

Ma cadda in Mooshinkaani uu dhaqan gali doono iyo in DFS ay u sameyn doonto marmarsiyo inta laga gaaraayo shirka London.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com