31.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Wariye Kalgacal oo si gardaro ah muddo bil ah ugu xiran shirkadda isgaarsiinta Hormuud!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa baaritaan ay sameeysay ku ogaatay cidda ka dambeysa xarigga gardarada ah ee lagula dhaqaaqay wariyaha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Cabdullaahi Muuse Kalgacal kaasoo muddo bil ah xiran.

Baaritaan dheer kadib oo ay sameysay Shabakadda Caasimadda Online waxay soo ogaatay inuu Kalgacal u xiran yahay Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ooah shirkadda ugu awoodda badan Soomaaliya.

Shirkadda Hormuud oo adeegsaneyso shaqsiyaad ka tirsan xarunta dambi baarista CID oo ay lacag siisay ayaa 28 bishii hore xirtay wariyahaan oo xilligaas ku sugnaa guriga hooyooyinka.

Sababta loo heysto weriye Kalgacal ayaa lagu sheegay inay soo dacweysay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasoo ka cabatay warar uu ka qoray, waxaana ay awooddeeda u maaliyadeed ay u adeegsatay in weriyahan xabsiga la dhigo.

 

Arrimaha la yaabka leh ayaa noqotay inaan wax maxkamad ah la soo taagin, isla markaana aan la araag, lana maqlin cid u doodeysa ama soo hadal qaadeysa, oo ay ku jiraan Warbaahinta Muqdisho iyo ururrada sheegta inay u doodaan xuquuqda saxafiyiinta.

Shirkadda Hormuud ayaa inta badan warbaahinta aysan waxba ka qori karin, ayada qaarkood siisa xayeysiimo, qaarna ay ka baqayaan inay adeegeeda internet-ka ka mamnuuci doonto in laga soo booqdo website-yada, hadidi ay arrimahan oo kale ay ka hadlaan.

Arrintan ayaa keentay in muddo ku dhow bil, oo uu xiran yahay mid ka mid ah weriyayaasha ugu caansan Soomaaliya, haddana aysan jirin cid ka hadasha.

Waxaan Madaxda Dowladda oo uu ugu horeyso Madaxweyne Farmaajo ka codsaneynaa in arrintaan ay ku dhaqaaqday in arrintan la baaro, lana soo dayao weriyahan Soomaaliyeed. (Free Kalgacal)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News