Mooshinka laga wado Waare oo la barbar dhigay mooshinkii Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin ay Xildhibaanada maamulka HirShabelle kawadaan Hoggaamiyaha maamulkaasi Maxamed Ccabdi Waare iyo gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Cusmaan Barre.

Xildhibaanada ayaa sheegay in labada mas’uul aysan ka baxsan doonin Mooshinka ay iminka ka diyaarinayaan, waxa ayna tilmaameen in Mooshinkan uu ka awood weyn yahay kuwii hore.

Waxa ay Xildhibaanadu Mooshinka ku tilmaameen mid awood leh, isla markaana ay la barbar dhigeen Mooshinka lagu riday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Nuur Xashi Warsame oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay in Waare iyo Barre ay si cad u dayaceen howshii loo igmaday, balse ay ku abaalmarin doonaan Mooshin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in magaalada Jowhar ay ka socdaan mooshino iska soo horjeeda kuwaas oo ku foorara Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha.

Xildhibaanku waxa sheegay in mooshinadaan ay yihiin kuwa sharci ah sidoo kalana ay la midyihiin ‘’Mooshinka kusoo idlaaday Muqdisho’’.

Waxa uu yiri ‘’Silaca Jawaari lagu mariyay Mooshinka ayey kana Waare iyo Barre ku mari doonaan, waxaana u sheegeynaa inay ku bixi doonaan’’

Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiye Waare iyo Guddoomiye Barre ayaa la tacaalaya xalinta Mooshinka laga diyaarinaayo, si aanu usii butaacin is baheysiyada ka socda Jowhar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com