Mooshinkii laga waday Shariif Xasan oo kordhay iyo xildhibaano war xasaasi sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul kama danbeyn ah oo la doonaayo in xilka looga qaado Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Abaabulka socda ayaa waxaa la doonaaya in xilka looga xayuubiyo Hogaamiye Shariif oo laga gudbiyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin Xildhibaano kabadan 90.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin isbedel doon, Mooshinka ay ka wadaana Shariif Xasan in ay saxiixeen 91 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in Shariif Xasan uu xilkaasi sii heyn doono keliya maalmo kooban wixii intaa ka danbeeyana uu lamid noqon doono shcabka, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegen in Shariif Xasan uusan mudneyn inuu sii hayo xilka waxa ayna ku eedeeyen howl-gabnimo iyo inuu indhaha ka qabsaday shaqooyinka loo igmaday.

Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqda mid ka walwalsan in uu saameeyo khilaafyada siyaasadeed ee maamuladii isaga ka horeeyay soo hareeyay sida Hirshabeelle iyo Galmudug.

Gudaha asbuuca nagu soo fool leh ayaa lagu wadaa in codka mooshinka loo qaado Hogaamiye Shariif Xasan, iyadoo la sheegay in sifo sharci ah uu ku weyn doono xilkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com