Puntland oo ku hanjabtay inay daadineyso dhiig aysan qaadi doonin mas’uuliyadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa digniin kasoo saaray danaadiiq cod bixin oo la sheegay in Somaliland ay ku gureyso degaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo Puntland ay sheegtay in ay maamusho.

Maamulka Puntland ayaa ku goodiyay inay qaadayaan dagaal khasaaraha ka dhasha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Somaliland.

Puntland ayaa tilmaantay inay diyaar yihiin ciidamadii qaadi lahaa dagaalka isla markaana goobaha doorashada ka qaadi lahaa sanaadiiqda loo diyaarinaayo doorashada Somaliland.

Cabdi Cali ”Qarjab” oo ah Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka diyaargarooben difaac kaga imaada Somaliland.

Waxa uu Qarjab, tilmaamay inay diyaar u yihiin in dhiig uu ku daato is qabqabsi ka yimaada in Somaliland ay sanaadiiqda kusii heyso degaanada Puntland.

Waxa uu sheegay in Puntland ay Somaliland ugu baaqeyso inay ka fiirsato arrintan, ka hor inta aanu dhiig ku daadan.

Geesta kale, Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay Somaliland in looga baahan yahay in ay mas’uuliyad iska saarto in ay si wanaagsan ku qabsato Doorashadeeda, oo aysan sababin inuu dhiig daato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com