Mowqifka CC Sharkuur ee xisbiga isbahaysiga cusub oo wali uu mugdi ku jiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorsho lagu doonayo in lagu mideeyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka jira Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho kuwooda ugu miisaanka culus.

Qorshahaani ayaa waxaa horboodaya Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud waxaana qeyb ka ah Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Talaabada lagu doonaayo in lagu mideeyo Xisbiyada ayaa waxa lasoo sheegayaa in wali uu ka taagan yahay Isfahan la’aan aan ka jirta dhanka Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir.

C/raxmaan Cabdi Shakuur, oo laga sugayo Jawaab ogolaansho ama mid diidmo ayaan wali qaadan wax go’aan ah, xili Xisbiyada kale ay yihiin kuwo u go’ay talo soo jeedinta Xasan Sheekh.

C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa ka meermeeraya diidmada iyo ogolaanshiyaha mideynta Xisbiyada, hase yeeshee waxaa soo baxaya in Isfahan la’aanta jirta ay tahay mid salka ku heysa shaqsiga noqon lahaa Guddoomiyaha Xisbiga lagu dhawaaqi lahaa.

Siyaasiyiin ka tirsan garabyada mucaaradka ayaa inoo xaqiijiyay in sababta ugu weyn ay tahay in C/raxmaan Cabdi Shakuur uu doonayo in laga dhigo Guddoomiyaha, halka Xasan Sheekh uu isna ka doonaayo inuu noqdo madaxa ugu sareeya ee Xisbiga lagu midoobi doono.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in arrintani dhameystirkeeda ay ku guda jiraan Xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo qudhooda kasoo dhexmuuqan doona xisbiga.

Geesta kale, waxaa jira Isfahan yari ka taagan sida loo kala qaadan lahaa kuraasta ugu waaweyn ee xisbiga la filaayo in lagu dhawaaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com