“Qorshe ka dhan ah Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo socda baa jira” Samatar

Aqoonyahan Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya ayada iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, oo shir ka dhan ah dowladda ku leh Kismaayo.

Samatar ayaa sheegay in dowladda ay faro-gelin ba’an ku hayso maamul goboleedyada, ayaguna ay ku jiraan iska caabin, taasina ay sabab u tahay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, ee meesha xun gaaray.

“Dowladduu waxay isku dayaysaa in dhammaan gobollada ay madax uga dhigto xubno ayada ku xiran oo hoos taga, oo waxay doonaysaa inay beddesho madaxda hadda xilalka haya” ayuu yiri.

Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu isaga uu si gaar ah u ogyahay qorshe ka dhan ah qaar ka mid ah madaxda maamullada, oo dowladda federaalka ay waddo.

“Waxaan si gaar ah u ogahay in dowladda ay ka shaqeyneyso qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan, oo ay doorashooyin kusoo socdaan, waxaana dowladda ay damacsan tahay inay ku beddesho xubno ayada hoos-taga” ayuu yiri Samatar.

Dhinaca kale, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inay habooneyd in madaxweyne Farmaajo nuu tago Kismaayo, intii uu ka tagi lahaa Asmara, uuna la hadlo madaxda maamul goboleedyada, oo uu isku keeno shacabka iyo dadka kala careysan.