Jabuuti oo liiska dowladaha xalinta khilaafka Eritrea ka saartay dalka Soomaaliya

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga ay kaalin mug leh ka qaadatay dhex dhexaadinta Jabouti iyo Eriterea oo wali socda.

Wasiirka waxa uu soo hadal qaaday oo uu ka hambalyeeyay doorka dowladda Ethiopia  ee ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirku kama uusan hadal kaalinta ay dowlada Somalia ka qaadaneyso wadahadalka oo la rumeysan yahay inay  sabab u tahay Somalia.

Wadahadalka dowladaha Jabouti iyo Eriterea ayaa waxaa garwadeen ka ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay dalka Jabuuti, waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Jabouti ayaan la ogeyn sababta ay Somalia uga saartay liiska dowladaha kaalinta ka qaadanaaya xalinta khilaaf Siyaasadeedka Eriteria iyo Jabouti.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com