Mu’adin MASJID oo sabab yaab leh loogu dilay…

Nin Mu’adin ka ahaa Masaajid ku yaala Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa lagu toogtay oo lagu dilay Magaaladaasi.

Dilka oo xalay dhacay, ayaa waxaa baxsaday raggii dilay Mu’adinka, kuwaa oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo aqoon cidda ay ka tirsan yihiin iyo halka ay u baxsadeenba.

Mu’adinka waxaa lagu magacaabi jiray Farxaan Maxamed Jimcaale, waxa uuna ka mid ahaa dadka deegaanka ah, iyadoona laga garanaayay Magaalada Caabudwaaq.

Ciidanka Maamulka Galmudug ee ku sugan Magaalada, ayaa waxay maanta hawlgal ka dhan ah dilka Mu’adinka ay ka sameeyen qaybo ka mid ah Caabudwaaq, balse ma jirto cid la sheegay inay u soo qab qabteen.

Caabudwaaq waxaa leesla dhex marayaa in Farxaan Maxamed Jimcaale loo dilay aano qabiil. Dadka qaarkiina waxayba hadalhayan in Maamulka Ahlu Sunna uu dilkiisii ka dambeeyay.

Galmudug iyo Ahlu Sunna wax war ihi kama soo saarin dilka ninkaasi loogu gaystay Caabudwaaq, waxaan kaloo jirin cid kaloo sheegatay dilkaasi. Marxuumka waxa uu Mu’adin ka ahaa Masaajidka Al Taqwa.

Caabudwaaq waxay billihii ugu dambeeyay ka soo kabaneysay dilalka aanooyinka xagga qabaa’ilada la xiriira, oo ka yaraaday Magaaladaasi.