Xog: Baarlamaanka Puntland oo mushaharkooda ka kororsadey daabicista lacagaha faalsada ah

Garoowe (Caasimada Online) – Warsidaha Caasimadaa Online ayaa ogaatey in Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwelli Maxamad Cali Gaas mushaharka u kordhiyey xildhibaanada Barlamanka Puntland inta ka horeysa furitaanka kalfadhigooda oo ku beegan bisha October dabayaaqadeeda.

Xogtaan ayaa sheegeysa in guddoonka Barlamanka Puntland [ Gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa) qayb libaax ka qateen wadaxajoodka loogu kordhinayey mushaharka xildhibaanada inta uusan furmin kalfadhiga golaha. Wada-xaajoodkaan kordhinta lacagtaan ayaa bilowdey sida xogtaan sheegeyso safarkii  guddoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ku tagey magaalada Galkacayo horaantii bisha Septemper 2015.

Madaxweynaha Puntland iyo gudoomiyaha Barlamanka ayaa isku khilaafey inta loogu darayo xildhibaanada mushaharkooda madaama xukuumadiisu lacago shilin Somali ah oo sharci daro ah daabacatey.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa codsadey in xildhibaankii loo kordhiyo 500 dollar xildhibaankii taasoo sahelysa in guddoonka baajiyo mooshinada ka dhanka ah daabicista lacagaha faalsada ah balse madaxweyne Gaas codsadey in hoos looga dhigo intaas.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Puntland Xuseen Yasiin Xaaji safar uu ku aadey magaalada Gaalkacayo ku dhexdhexaadiyey madaxweynaha Puntland iyo guddomiye Siciid Xasan Shire isagoo kusoo dhameeyey in xildhibaanada mushaharka loo kordhiyo 400usd bishii.

Heshiiskaan ayaa sheegeya in kororka musharkaan soconayo inta madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas daabacayo lacagaha Shilin Somaliga ee sharci darada ah. Madaxweynaha Puntland ayaa safarkii ugu dambeeyey ee uu ku tagey wadanka Kenya kulamadii uu la qaatey beesha caalamka gabi ahaanba beeniyey in maamulkiisu lacago Shilin Somali ah oo been abuur ah daabaco.

 Dhinaca kale xogtaan ayaa xuseysa in guddoonka sare ee Barlamanka Puntland la siinayo lacago dheeraad ah oo ka baxsan mushahar kordhinta loo sameeyey xildhibaanada. Xildhibaanada Puntland oo aysan saameyn ku yeelan gabi ahaanba mushahar la’aanta haysata shaqaalaha dowlada iyo ciidamada ayaa lacagtii ay qateen bishii la soo dhaafey ee September sida ay xaqiijyeen qaar ka tirsan xubnaha wakiilada waxaa loogu darey lacag gaareysa 400USD.

Dhinaca kale xogtaan ayaa xuseysa in qorshaha kordhinta mushaharka xildhibaanada inta aan la gaarin furitaanka kalfahdiga uu ka dambeeyey soo jeedinteeda gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Barlamanka Cabdixamid Shiikh Cabdisalan oo isagu saami balaaran ku leh sameynta lacagta faalsada ah.

Cabdixamid Shiikh Cabdisalan ayaa isagu saamiga uu ku leeyahay daabacada lacagahaan mas’uuliyadiisu waxay tahay in xidhibanada Barlamanka keenin mooshin ka dhan ah sameynta Shilin Somaliga Faalsada ah.

Qaar ka tirsan xildhibanaada Barlamanka Puntland ayaa sheegey in lacagtaan loo kordhiyey la yaab ku noqotey islamarkaana u qaateen laa-luush la siinayo si ay indhaha uga dabooshaan ka hadalka danaha shacbka ay wakiilka u yihiin. Kororsiimada mushaharka xildhibaanada Puntland ayaa gaarsineysa 1400USD bishii halka ciidamada amaanka halkii askari qaato 100USD oo ka baxsan raashinkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com