“Waa arrin uguba in rag qabaa’ilkooda hubeysan yihiin loo dhiibo shatiga federaalka” waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa ka hor imaaday shirka galinkii danbe ee shalay kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ujeedkii laga lahaa shirkaasi aysan DF Somalia iyo Beesha Caalamka ka hadalin waxa uuna sheegay in laga tagay ka hadalka Nidaamka Dowladnimada ay Somalia qaadaneyso, balse shirka uu noqday mid wakhti dhumis u muuqaal ekaa.

Waxa uu sheegay in nasiib darro uu u arko in shir waliba oo ka dhaca Magaalada Muqdisho aan looga hadal Nidaamka Dowlada Somalia ay qaadaneyso ujeedkuna yahay in dalka ay gacanta ugu sii jirto rag shalay xoog ku yimid talada oo uu sheegay in ay qabaa’ilkooda hubeysan yihiin haddana loo dhiibo Shaatiga Federaalka.

Waxa uu intaa raaciyay in sharaf dhac uu u arko in adduun weynaha uusan hirgalin nidaamka Federaaliisimka taasina ay Soomaalidu ku tahay caqabad aan laga gudbeynin abid.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in shirka wadatashiga ay ka maqnaayen gobollada qaar iyo Beelaha qaarna ay ka maqnaayen islamarkaana laga fiicanyahay in dadkii Shalay Somalia qoriga ku xukumayay hadda la yiraahdo talada dalka idinka go’aamiya.

Dhanka kale, waxa uu Dalxa carabka ku dhuftay in qodobadii laga hadlay aysan qeyb ka aheyn nooca federaalka la qaadanayo ama nidaamka dowlanimada Soomaaliya, taasina ay ka turjumeyso in shirka uu ahaa mid qoor qabad ah oo lagu indha sarcaadinaayay Dowladaha aan kasoo qeybgalin.

DF iyo Beesha caalamka ayuu kaga digay inay qas iyo dhibaato hor leh usii horseedan Somalia oo iminka kasii bogsaneysa dhibtii ay ka dhaxashay burburkii Dowlada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com