Mucaaradka K/G oo safarkii Baydhaba ka baaqday kadib dalab uga yimid Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) –  Mucaaradka Koonfur Galbeed oo maanta la filayay inay tagaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka baaqday kadib dalab uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha mucaaradka ah ee u sharaxan xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka dalbaday inay dib u dhigaan safarkooda.

Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ay tagayaan Dhuusamareeb, si halkaas kulamo wada-tashi kula yeeshaan madaxweynaha.

“Waxaan u baaqnay codsi nooga yimid madaxweyne Xasan oo la xariira kulamo wada-tashi oo uu codsaday madaxwynaha in aan Dhuusamareeb kula yeelano, marka Dhuusamarewb ayaan tageyna,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Mursal oo ku hadlayay afka xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka ay ka soo dhamaadan kulamada wada-tashi ee u aadayaan Dhuusamareeb ay tagi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

“Kadib waxaan tageyna Baydhabo oo qorshaheenii waa sidiisa wax iska badalay malahan” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Mursal.

Xubnahaan mucaaradka ku ah madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxay isugu jiraan guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo caan ah oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiintan ayaa dhamaantood u sharaxan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya in la fuliyo heshiis siyaasadeedkii hore loo gaaray, kaas oo qodob kamid ah uu tilmaamayay in doorashada maamulka la bilaabo horraanta bisha November 2023.