Muxuu Salaad Cali Jeelle ka yiri dagaalka Al-Shabaab?

Jabuuti (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn madaxda dowladda federaalka ugu boggaadiyay go’aanka ay qaateen ee ku aadan xoreynta dalka , si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dagaalkan uu kusoo aaday xilli loo baahnaan, isla-markaana uu yahay kid lagu soo celinayo sharafta shacabka Soomaaliyeed.

“Runtii nasiib wanaag waxa ay noqotay inaan helno madax dowladeed oo muhiimadda koowaad siinaayo la dagaallanka Argagixisada, gaar ahaan Khawaarijta oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ka go’an tahay in arrintaasi shacabka Soomaaliyeed ay usoo celiyaan sharaftoodii, Argagixisana kaga caribtiro dalka ” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee isku garabsanaya dagaalka, isagoo sheegay inay kasoo baxeen doorkii laga filayay ee dagaalka.

“Waxaa aad iyo aad iyaguna mahadcelin leh oo runtii doorkooda qaatay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa iyaguna xusid mudan oo aan la iloobi karin shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada la baxay Macawiisleyda” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay duqeymaha ay iyaguna diyaaradaha dagaalka ka fuliyaan gobollada ay ka socdaan dalka, wuxuuna sheegay in cir iyo dhulka laga weeraray Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xubnaha weli ka barbar dagaalamaya kooxda, isaga oo ugu baaqay inay isku soo dhiibaan dowladda dhexe , maadaama ay fursad haystaan

“Adiga oo duqeyn kuugu socoto inaad god ugu jirto waa aqli darro, waa cawaanimo, waxaan ugu baaqaa marka inay naftooda wixii hadda haray haligine inay isa soo dhiiban ayaan ugu baaqayaa” ayuu mar kale wareysigaan ku yiro Danjire Salaad Cali Jeelle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah AShabaab, kuwaas oo xoogooda laga dareemayo Galmudug iyo HirShabelle.