Sawirro: Ujeedka kulan caawa ka dhacay xarunta dowladda hoose XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrimaha Guduha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay dardar-galinta horumarinta qaadashada adeega aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed oo si habsami leh u socda, kaasi oo dhawaan ka billowday guud ahaan dalka.

Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ayaa Aggaasimaha Hay,adda Aqoonsiga iyo Diiwan galinta Qaranka Mudane Abduwali Ali Abdulle, Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil.

Sidoo kale waxaa goobta uu shirkan ka socday lagu soo bandhigay habraaca nidaamka qaadashada Aqoonsiga Qaranka iyo muhiimada uu u lee yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Aggaasimaha Hay,adda Aqoonsiga iyo Diiwan galinta Qaranka Mudane Abduwali Ali Abdulle oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin in si hufan loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed islamarkaana qaadashada Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid muhiim ah ah muwaadinka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka uu taageerayo nidaam kaste oo lagu xoojinayo Dowladnimada iyo Amniga Dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu tilmaamay nidaamka Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed uu muhiimad gaar ah u lee yahay dhismaha Dowladnimada, Horumarinta adeegyada bulshada, Nabadgalyada, iyo xaqiijinta muwaadinnimada.