Mucaaradka Kenya oo war xumo u rogay kulanka Madaxweyne Kenyatta & Raila Odinga (Maxay yiraahdeen)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa Xisbiyada mucaaradka dalkaas ugu baaqday inay tixgaliyaan kulanka uu Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga todobaadkii la soo dhaafay la qaatay Madaxweynaha Kenya.

Dowlada ayaa mas’uuliyiinta qeybta ka ah Xisbiyada ugu baaqday inay tashkiilinta iyo war xumada ka dhaafan Raila Odinga oo xor u ah la kulankiisa Madaxweyne Uhurro Kenyatta.

Francis Atwoli oo ah Madaxa Shaqaalaha Dalka Kenya ayaa sheegay in Hoggaamiyayaasha iyo Xubnaha Xisbiyada ay durba faquuq iyo war xumo ku bilaabeen Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga.

Waxa uu Francis Atwoli tilmaamay in Raila Odinga uu xor u yahay la kulanka Madaxweynaha dalka, sidaa aawgeedna mucaaradka kale laga doonaayo inay muujiyaan dulqaad.

Waxa uu Mr Francis Atwoli cod dheer ku sheegay in kulanka Madxaweyne Kenyatta iyo Raila Odinga uusan aheyn mid lagu amaanaayo xaalada dalka, balse uu kulankooda uu yahay mid kala warqaadasho ah.

Maalin un ka hor ayey aheyd markii Hogaamiyaha labaad ee Mucaaradka Kenya Mr Kilonzo Musyoka uu sheegay in Raila Odinga uusan Sharaaxaad uga bixin Hogaamiye yaasha kale kulanka uu la qaatay Madaxeynaha Kenya Mr Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mr William Ruto ayaa dhankiisa ugu baaqay Hogaamiye yaasha Mucaaradka Kenya in ay Ka shaqeyaan Sidii La isugu Keeni Lahaa Muwadiiniinta Kenyanka ah ee ku Kala Qeybsamay Doorashadii Guud ee Sanadii La soo Dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com