Muuse Biixi oo go’aanka BF kadib shir degdeg ah la qaatay hogaamiyayasha xisbiyada mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan degdeg ah Xafiiskiisa kula qaatay dhammaan Hoggaamiyayaasha Xisbiyada mucaaradka maamulka Somaliland.

Hoggaamiye Muuse Biixi, ayaa Mucaaradka usoo bandhigay latashiyo ku aadan heshiiska dekadda Berbera ee u dhexeeyay maamulka, Shirkada DP World iyo dowlada Ethiopia.

Hoggaamiyayaasha uu la kulmay Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ahaa Feysal Cali waraabe iyo C/raxmaan Maxamed Cirro waxaana uu kala hadlay sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen go’aan mideysana uga qaadan lahaayeen diidmada dowladda Soomaaliya ee heshiiska dekadda Berbera.

Biixi, ayaa Hoggaamiyayaasha u sheegay inay muhiim tahay inay qaatan mowqif Mideysan oo lid ku ah dowlada Somalia, waxa uuna soo jeediyay in go’aanka la qaadanaayo uu yahay kan maamulka uu gaaray.

Biixi, waxa uu Hoggaamiyayaasha u sheegay in Somaliland ay ka madaxbanaan tahay Somalia inteeda kale, sidaa aawgeed la doonaayo in la kala qaado Mucaaradnimada iyo qadiyada Qaranka.

Biixi, waxa uu sidoo kale sheegay in xiisadaha ka soo cusboonaaday heshiiska dekadda Berbera ay tahay mid ay dowlada Somalia ku dooneyso inay kuwiiqdo awooda Somaliland.

Sidoo kale, kulanka uu Muuse Biixi la qaatay madaxda xisbiyada ayaa imaanaya kadib markii 5-tii bishan aan ku jirno gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirro uu dhaliilay heshiiska Seddex geesoodka ah ee dekadda Berbara .

Si kastaba ha ahaatee, Golaha shacabka baarlamaanka Somalia ayaa shalay xaarantimeeyay heshiiskasta oo gudaha dalka quseeya ee lala galay shirkadda DP world ee Imaaraadka laga leeyahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com