Sawirro: Diyaarad shacab oo ku burburtay Nepal oo mas’uuliyadeeda lagu eedeeyay duuliyaha

 Kathmandu (Caasimadda Online)– Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay diyaarad ku dhacday agagaarka garoonka diyaaraddaha caasimada Nepal ee Kathmandu, diyaarayadaasi oo ay saarnaayeen 67 qof.

Burburka diyaaradda ayaa ka danbeeyay kadib markii sarkaalka duuliyaha diyaaradda uu warbixin qaldan ka helay kooxda kontoroolka oo warbixin qaldan siiyay duuliyaha diyaaradda sida uu eedeyntaan shaaciyay madaxa fulinta ee US-Bangla Airlines, Imran Asif oo ah diyaaradda burburtay.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa baahisay in agaasimaha guud ee garoonka diyaaradaha ee Raj Kumar Chettri oo sheegay in duuliyuhu uu diidday farriintiisa ugu timid jihada khaldan.

Dadka diyaaradda saarnaa ayaa ahaa 33 rakaab ah oo u dhashay Nepali, 32 ka yimid Bangladesh, mid ka mid ah Shiinaha iyo mid u dhashay Maldives.

Mas’uuliyiinta Napel ayaa aaminsan in shilka diyaaraddda shirkadda Us-Bangla Airlines ay tahay mid iyada ka dhalatay, iyadoo ay bilowdeen baaritaano arrintaasi la xiriira.