Gunaanad – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Shan iyo Labaatanaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa Qaybta ugu dambeysa ee Taxanaha Maxaabbiistii 77.  Waxaan ku soo bandhigayaa tirkoob guud iyo macluumaad kooban.

Ka dib markii 1988 ay labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ku heshiiyeen in maxaabbiista la isu celiyo, waxay labaduba ay ka aqbaleen ICRC in ay fuliso howsha kala beddelaadda maxaabbiista.

Talaado 23ka Agoosto 1988 ilaa iyo Kamiis   1da Sebtember 1988 ayay 10 dullimaad u kala gooshtay Muqdisho iyo Dire Dawa dayaarad ay soo kireysay ICRC.

Tobankaas maalmood ayaa 3,543 maxbuus oo Ethiopian ah oo isugu jira ciidan iyo rayid oo 530 ka mid ahi ay yihiin carruur aan qaan gaar ahayn iyo hal duuliye oo Cuban ah waxaa laga qaaday Muqdisho waxaana la geeyay dalka Ethiopia.

246 askari oo Somali ah ayaa lagu soo celiyay dalkooda.

Maxaabbiista badankood waxay xabsi ku jireen ku dhowaad 11 sano.

Mid ka mid ah saraakiishii xabsiga Ethiopia laga soo daayay wuxuu ii sheegay in waraaqaha ICRC ee ka yimid qoysaska Maxaabbiista la keeni jiray xabsiga qiyaastii afrtii biloodba mar.   Marka waraaqaha la qeybiyana uu xabsigu noqon jiray shanqar la’aan inta maxbuus waliba uu akhrisanayo xogta qoyskiisa kuna mashquulayo xusuustooda iyo malihiisa.

Bilaha xigana ay maxaabbiistu iska wareysan jirtay qof walba warka loo soo sheegay.

Inkasta oo aanan anigu xusuusan, sarkaalkaasi wuxuu ii sheegay in gabar Soomaaliyeed oo sarkaal ahi ay ka mid ahayd maxaabbiista la xirnayd ee dagaalka lagu qabtay, dalkana ay dib ugu soo wada laabteen.

Ka dib dagaalkii 1977 labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ma oggoleyn in ay dayaaradi isaga tallaabto hawadooda.  Dayaaraddii ICRC ee 1988 maxaabbiista sidday, waxaan u maleynayaa in ay ahayd markii ugu horreysay ee dayaaradi ay u kala gooshto labada dal tan iyo dagaalkii 1977.

Maxaabbiista labada dhinac intii ay socotay, waa sannadkii 1988 waxay wadashaqeyn dhow oo weliba xasaasi ahi ay na dhex martay Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Maax.

Waxaan u aqaan mas’uul aan isla weyni aqoon, garyaqaan ah, isla markaana dareen u leh xuquuqda aadanaha.

Maxaabbiis Ajnebi ah

Maxaabbiista Ethiopian-ka ah intii laga daad gureynayay xabsiga dhexe ee Muqdisho, waxaa soo baxday in maxaabbiis ajnebi ah oo dhowr ahi ay ku xiran yihiin xabsiga.

Maxaabiistan ajnebiga ah, waxaa lagu haystay eedeymo aan wax xiriir ah la lahayn dagaalka marka laga reebo nin u dhashay Senegal.

Kiisaskooda markii dib loo eegay waxay isugu jireen arrimo u badan xadgudub xeerarka socdaalka oo ah in ay dalka visa la’aan soo galeen.  Maxaabbiista qaarkood waxay ku doodayeen in markab laga soo tuuray iyo waxyaabo la mid ah.

Waxaan ka xusuustaa nin u dhashay dalka Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo markaas loo yiqiin Zaire, nin Morocco u dhashay iyo nin dhalashadiisa la garan waayay oo marba dal sheegtay Safaaradaha dalalkaasina ay sheegeen in aanuu u dhalan dalkooda.  Dalalka uu sheegtay waxaa ka mid ahaa Indonesia iyo Singapore.

Waxaa kale oo jiray nin u dhashay Senegal oo sheegay in uu yahay weriye oo Ciidanka Xooggu ay ka soo qabteen aagga Jigjiga.  Wuxuu sheegay in uu yahay weriye aan doonaya in uu labada dhinac ee dagaalka ka warrmo laakiin lagu eedeeyay in uu ahaa basaas.

Maxaabbiistaas waxay qaarkood xirnaayeen sannado badan.  Waxaan u amleynayaa in uu ugu wakhti dheeraa weriyaha reer Senegal oo xirnaa in ka badan 10 sano.

Dowladda Soomaaliya waxay ICRC ka codsatay in maxaabbiistaas ay ku celiso dalalkoodii.

Midba mar ayaan ka dhoofinnay maxaabbiistaas marka laga reebo ninka dalkiisa la aqoon waayay kaas oo dib u dejin loo weydiiyay dal saddexaad.

Weriyaha Senegal u dhashay waxaan xusuustaa in khadka duullimaadkiisu uu ahaa mid sii maraya Paris.   Ma ahayn keliya in aanuu visa Faransiis ah haysan oo ma haysan, ee xataa waxaa dhacsanaa Baasabboorkiisa.

Waxaan xusuustaa in aan Safaaradda Faransiiska ee Muqdisho ka helnay oggolaasho ah in uu sii mari karo Paris si uu u qaato dayaarad geysa Dakar.

Mxaabbuus kasta inta aan dalka laga dhoofin waxaa la diyaarinayay waraaqo looga baahan yahay hey’ado kala duwan sida Isbitaal, booliiska, Laanta Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo qaar kale.

Hey’adaha qaar waxay ahayd in la horgeeyo maxbuuska taas oo kalliftay in aan xabsiga ka soo saarno oo aan ku hayno Saldhigga Booliiska ee Wardhiigleey.  Marka aan u tago Saldhigga aniga oo doonaya in aan Maxbuus geeyo hey’ad ama laba, mararka qaar waxay igu dari jireen askari booliis ah.

Maxaabbiis Ajnebi ah waa qormo aan daabacay 2016 oo aan ku yara faahfaahiyay howlgalkaas kooban.

Qaybtan 25aad ayaa ugu dambeysa Taxanaha maxaabbiistii 77 oo soo billowday Isniin 5ta Febraayo 2018.

Mahadcelin

 

Waxaan u mahadcelinayaa akhrisatayaasha bloggan siiba inta akhrisatay Taxanahan.  Waxaan aad ugu mahad celinayaa inta akhrisay, la wadaagtay saaxiibbadood isla markaasna ka dhiibtay ra’yigooda, ii kordhisay macluumaad, maskaxdeyda ku dhaliyay su’aalo, ama weydiimo ii soo bandhigay aan uga jawaabay.  Waan ku cudur daaranayaa inta aan ka jawaabi kari waayay, aan ka ilduufay ama aan ka gaabsaday.

Waxay ii bidhaamisay fahamka, dareenka, rabitaanka iyo weliba xiiseynta akhrisataha.

Waxaan si gooniya ugu mahadcelinayaa saaxiibbada ii duceyay.  Waxaan oo aan leeyahay ducada aammiin, intaas oo kale iyo ka bandanna Allah ha idiin kaso.

Waxaan akhristayaasha ka raalli-gelinayaa maalmaha qaar aan ka mashquulay, ka nastay ama xaaladda magaalada Muqdisho ee aan deggan ahay ay iila muuqan weyday munaasab in aan Taxanaha si joogta ah u daabaco.

Rabbi ka sokow waxaan mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa ragga ka tirsanaa Maxaabbiista ee gacanta igu siiyay macluumaadka qaarkiis.

DH  A  M  M  A  A  D

W/Q. Yuusuf Garaad