Mucaaradka oo beeniyey eedeyn la xiriirta waalidintii wiilashooda la geeyey Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah xubnaha mucaaridka ah ayaa si adag uga jawaabay eedeyn ay dhawaan u jeedisay dowladda federaalka, taasi oo ay kula xiriirisay kacdoonka waalidiinta caruurtooda looga qaaday askarnimada dalka Eritrea.

Odowaa ayaa eedeynta uga timid dowladda ee uu dhawaan u jeediyay wasiirka warfaafinta ku tilmaamay mid qeyrul mas’uulnimo ah, oo muujinaysa heerka ay dowladda federaalka uga damqaneyn cabashada hooyooyinka ay dhalintooda ka maqan tahay.

“Dowladan waxaa laga bartay inaysan hadlin ama inay si kheyru mas’uul u hadasho hooyooyin ooynaayo in la yiraahdo mucaarad baa soo abaabulay ceyb bay ku tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Waxa uu ku dhaliilay madaxda saree ee dowladda inay ku caan baxday inaysan ka hadlin dhibaatada ay sababtay oo ay kamid tahay Askarta ay u qaaday Eritrea, iyo inay si qeyrul mas’uulnimo uga jawaabto falalka loo haysto.

Odowaa ayaa sidoo kale dalbaday in lasoo cadeeyo inuu jiro heshiis dhex-maray Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea oo ku aadan askarta tobabarka loogu qaada dalkaas.

“Waxaa dembi ah in ilmahaan markii hore lagu qaaday in la geynayo Qatar, ayada oo habeen madow laga dhoofiyay garoonka Muqdisho, waa in dowladda Qatar ay iska bari-yeesho oo ay soo cadeyso,” ayuu yiri Odowaa isaga oo dowladda Qatar ka dalbaday inay si rasmi ah uga hadasho arrinta ciidamada, islamarkaana ay cadeyso inaysan ku lug laheyn shirqoolka lagu qaaday dhalintaas.

Hadalka Odowaa ayaa imanaya xili dhawaan ay dowladda federaalka ku eedeysay mucaaridka inay arrinta Askarta loo qaaday Eritrea ay ka raadinayaan dano siyaasadeed, islamarkaan ay ka dambeeyan kacdoonka ay maalmihii u dambeeyay waalidiinta dhalay caruurta ka wadeen magaalada Muqdisho.