Al-Shabaab oo war kasoo saartay ‘ujeedka’ qaraxii ay ka fulisay xerada Dhega-badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan oo ku taal banaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas uu fuliyey qof ka mid ah qeybta is-miidaaminta ee koxodaas, islamarkaana uu ujeedka ahaa in la beegsado dhallinyaro qoraneysay askarnimo.

Kooxda ayaa sheegtay in ay qaraxa ku dishay 40 kamid ah dhallinyaradaas, sidoo kalana waxay sheegatay inay ku dhaawacday 50 kale oo ka tirsanaa ciidan loo qorayey dowladda Soomaaliya, inkasta oo xogta aan hayno ay taas ka duwan tahay.

“Camaliyad Istish-haadi ah ayaa maanta waxay ka dhacday gudaha Xerada Turkiga ee Turkisom ee magaalada Muqdisho, waxaana xiliga camaliyada ay dhaceysay halkaasi ku sugnaa maleeshiyaad askar ahaan loo qorayay oo ka tirsan Ururka sagaalaad ee Gorgor; dhimashada waa 40 askari, dhaawacana waa 50 askari,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo maanta ka dhacay Xerada Tababarka Ciidamada ee Gen. Dhega-badan (Warshadda Nacnaca).

Gen. Odowaa Yuusuf waxa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay Bar kontorool oo ay joogeen ciidamada ilaalada ka ah Xerada, inta uu xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 10 qof oo ah Dhalinyaro loo xareynayay tababar halka dhaawac uu soo gaaray 20 kale.

Xiliga qaraxa uu dhacayay waxa ay ku jireen dhalinyaradaas safka baarista si loo hubiyo waxa ay wataan kahor in aanay u gudbin gudaha Xerada oo loogu diyaariyay in ay ku qaataan tababar ciidan sida uu xaqiijiyay Taliye Odowaa.

“Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri Gen. Odawaa Yuusuf Raage.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, tirada dhimashada ay gaartay 18, dhaawacuna ku dhow yahay 40.